Mahiga “Waan la soconaa musharaxiinta ku howlan Caga-jugleynta, Laaluush-ka iyo musuqmaasuqa, laakiin kama aqbaleyno arrintaas.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Agustino Mahiga ayaa sheegay iney aad ula socdaan isla markaana isha ku hayaan siyaasiyiin iyo musharaxiin dooneysa iney qaab musuq-maasuq ah ugu soo baxaan doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, tasoo dhowaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Danijre Mahiga ayaa inta ku daray in doorashada madaxweynaha cusub ee soo socda la doonayo iney noqoto mide xalaal ah oo lagu wada qanacsa yahay, isagoo xusay iney jiraan siyaasiyiin dooneysa iney wax is daba mariyaan taasoo uu sheegay haddii ay dhacdo iney keeni karto jahwareer siyaasadeed oo dalku uu galo, isagoo xusay in xubnahaas ay wadaan caga-jugleyn, laaluush bixin, eexasho iyo musuqmaasuq.

Mahiga wuxuu sheegay in qofka xidhibaanka noqonaya ay tahay khasab inuu ku yimaado aqoontiisa iyo waxqabadkiisa, isagoo sheegay iney wax laga xumaado tahay in murashaxiinta dumarka ah ay u nugul yihiin in laga saaro tartanka, taasoo sabab u ah sida uu yiri inaysan haysan dhaqaale ku filan.

Wakiilka QM ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa dowlada qaarkood oo musharaxiin ah ay doonayaan in xubno ay iyagu wataan lagu soo daro xildhibaanada cusub ee baarlamanka si ay hadhow iyaga u doortaan taasoo uu sheegay iney tahay qalad aan la aqbali Karin.

“Ma ogolaan karno in kuraasta baarlamaanka ay noqdaan badeeco la kala iibsado ama xaraash laga iibinayo hadba ciddii lacag badan, waayo waxaan hadda ku jirnaa xilli aan raadinayno sharafkii ay Soomaaliya lahayd waana in laga waantoobaa arimahaas,” ayuu yiri Mahiga.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: