Fadeexaddii ugu weyneyd ayaa maanta Al-Shabaab ka raacday magaalada Muqdisho markii laba nin oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo ladoonayay in ay isku dhex qarxiyaan hoolka uu ka socdo shirka ergooyinka ansixinta dastuurka ay aqoonsadeen ciidanka Booliisku dabdeedna kaligood la-qarxiyey.
Hase yeeshee ay kaligood ku dhinteen qaraxyadii ku xirnaa markii rasaas lahuwiyay, isla waqtigii ay soo gaareen Koontaroolka ugu horeeya, dabadeedna ay aqoonsadeen Ciidanka amaanka bartaas in ay labadaas qof ahaayeen Al-Shabaab, iyagoo dabadeedna rasaas ku furay, taas oo qarxisay nimankii.
Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay Labadaas qof, isla markaasna toogasho ku dilay oo fashiliyay Labadaas ruux oo doonayay in ay isku qarxiyaan goobta uu ka socdo shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo isla markiiba warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidamadu ka hortageen isla markaana fashiliyeen qaraxaas oo ay labada ruux isku soo xiray walxaha qarxa, Â kuwaas oo doonayay in ay orod ku galaan Dusgsiga sare ee booliiska Gen. Kaahiye oo ah halka uu ka socdo shirka ergada Ansixineysa Dastuurka.
Ciidamada ammaanka ayaa Labadaasi nin ku joojiyay mid ka mid ah dhowr bar kontorol oo ka baxsan xarunta shirku ka socdo oo dadka lagu soo baaro, kadibna qaar ciidamada ka mid ah ayaa la sheegay in ay aqoonsadeen labada qof, dabadeedna rasaas ku furay halkii ayeeyna ku qarxeen ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada, sida uu sheegay wasiirku.
Ma jirin, lamana soo sheegin Ilaa iyo hadda wax qasaare ah oo ciidamada iyo shacabkaba ka soo gaaray isqarxintaasi, waana dhabarjabkii ugu weynaa ee ku dhaca al-Shabaab inta la ogyahay, taas oo ka dhigan in laba qofood oo ay doonayeen in ay dad ku halaageen, ilaaheey uu gacantooda ku halaagay, weliba kaligood.
Dhinaca kalena waa guul u soo hoyatay ciidamada nabad gelyada ee fashiliyey qaraxyadann, taas oo muujineysa dadaalka ay ciidamda nabad gelyadu ugu jiraan adkeynta ammaanka guud ee Muqdisho, gaar ahaan meelaha shirarku ka socdaan.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.