Wasiirka Gaashaandhigga oo beeniyay in ciidamo ka socda Ingiriiska ay joogaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xuseen Carab Ciise oo wareysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinra Muqdisho ayaa beeniyay in ciidamo ka socda dalka Ingiriiska ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah dalka Soomaliya, wuxuuna arrintaas ku tilmaanay  been abuur, sidoo kale wuxuu caddeeyey in wax heshiis mileteri ay dowladda Soomaaliya la galin dalka Ingiriiska.

Wasiirka ayaa sheegay in warkan laga soo xigtay war u qoray mid ka mid ah wageysyada ka soo baxa dalka ingiriiska kaas oo sheegay in ciidamo ka socda Ingiriiska ay ku sugan yihiiin gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga ee Somaliya Ciise Xuseen carab oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: ‘’ ma jiro heshiis aan la galnay Ingiriiska mana joogaan dalka ciidamo ka socda dalkaasi laakiin wey jiraan koox la taliyayaal meleteri ah ‘’.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: