Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay xalay dhac ballaarsan u geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee G/Shabeellada hoose, hase yeeshee dhacan ayaa ku soo beegmaya xilli oo shalay booqday degmadaas Madaxweynaha DKMG ah, islamarkaasna uu amar ku bixiyay in laga hortago falalka dhaca ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda.
Sida ay u sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah saxaafadda in dhacan uu ahaa mid aad ballaaran ayna ciidamada dowladda ka geysteen xaafado dhinaca waqooyi kaga yeella degmada Afgooye.
Sidoo kale Sida laga soo xigtay saraakil ka tirsan kuwa dowladda oo diiday inay magacyadooda sheegaan sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay saxaafadda u gudbiyaan warkan, wayana yiraahdeen: “Dhacu wuxuu ahaa mid saf-ballaaran ah waxaana geystay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah”.
Dhanka kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo shalay booqday degmada Afgooye ayaa wuxuu cabasho ku aaddan dhac ay ciidammadu ka geystaan degmadaas ka dhageystay waxgaradka, iyadoo guddoomiyaha degmada Afgooye uu ka dalbaday Madaxweynaha in wax laga qabto dhibaatada shacabka loo geysanayo.
“Dadweynaha ku nool degmada Afgooye waxaan ka raalli-gelinaynaa dhibaatadii loo geystay, saraakiisha ciidamadana waxaan faraynaa inay arrintaas ka hortagaan,” ayuu yiri Shariif Sheekh.
Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo ah Abaanduulaha ciidamada xoogga ee Dalka Soomaaliya, oo ka mid ahaa Wofdiga Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlay shalay ayaa sheegay inay wax ka qabaayaan dhaca ay ciidamada dowladdu ka geysanayaan degmada Afgooye, isagoo si buuxda u sheegay in lagu wargeliyay in falalkaas haddii ay soo laabtaan uu madaxiisa u maqan yahay.
Sida la wada ogsoon yahay Degmada Afgooye ayaa waxay gacanta ugu jirtaa ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo Xarakada Al-shabaab kala wareegay dhammaadkii bishii May ee sannadkan, waxaana tani iyo xilligaas ka dhacayay falal ammaan-xumo oo isugu jira dil iyo dhac loo geysta dadka rayid ah.
SomaliSwiss Afgooye
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.