Allaha u naxariistee Majaajiliiste Marshaale oo ay caawa kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Majaajiliistihii weynaa ee Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) ayaa Caawa kooxo hubeysan oo dhagar qabayaal ah waxaa ay ku dileen magaalada Muqdisho. INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Caawa Salaaddii Maqrib ee xilliga Afurka ayaa Muqdisho lagu dilay allaha u naxariistee Majaajiliistihii weynaa ee ay sida weyn u jeclaayeen, una garanayeen dadka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jeylaani (Marshaale), waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo is qariyey.

Laba nin oo aan la garanayn oo bistoolad ku hubaysan ayaa la sheegay inay marxuuumka rasaas ku fureen isaga oo joogay gurigiisa hortiisa oo ku yiilay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxeyna dad  goob-joogayaal ahaa sheegeen in ay toogteen labo ruux oo afka soo duubtay.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo dhaawac ahaan loo geeyay, hase yeeshee, uu muddo kooban ka dib ku nafbaxay sida ay sheegeen wararka laga helay isbitaalka.

Marshaale oo ku caan ahaa majaaajillooyinka iyo ruwaayadaha maadda iyo qosolka leh ayaa wuxuu la shaqeynayay TV-ga Universal iyo Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kalena marxuumka waxaa uu horay ula shaqeeyay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho iyo hay’ado kale oo warfaafineed oo gudaha ka jira.

Dilka Marxuum Marshaale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho dhaawac loogu geystay Wariye Maxamed Nuur Shariif iyo Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle, kuwaasi oo dhaawacii  loo geystay ka badbaaday, hase yeeshee warar hordhac ah oo ay heshay SomaliSwiss ayaa muujinaya in ay dilka marxuumka ku lug leeyihiin siyaasiyiin madaxwene doon ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: