Wargeyska New Vesion ee ka soo baxa dalka Uganda oo soo xiganaya saraakiil sare oo ciidamada dalkaasi ka tirsan ayaa daabacay in Dowladda Ugandha ayaa shaaca ka qaadday iney 3,200 oo Askari oo dheeraad ah u soo direyso Soomaaliya dhamaadka bisha soo socota ee August si ay u xoojiyaan Ciidammada Midowga Afrika ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaasi oo tababar muddo Afar bilood ay qaadanayeen loo soo xeray dhamaadka todobaadkii tegay.
Sareeye Gaas Levy Karuhanga oo ah Taliyaha Ciidammada keydka ah ee dalka Uganda ayaa sheegay in Ciidammadan hadda ay diyaar u yihiin iney ka qeybgalaan howlgalka nabadda loogu soo dabbaalayo Soomaaliya oo ay qaateen tababar ku filan.
Taliyaha Ciidammada keydka dalka Uganda oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “ Ciidamadan waxay soo bandhigeen farsamooyin heerkoodu sareeyo oo ay qaateen,waxaan aaminsanahay hadda iney u diyaar yihiin gudashada waajibaadka loo tababaray ee ah iney ka qeybgalaan howlgalka ay saaxiibadood u joogaan Soomaaliya oo Ammaanka lagu soo celinayo”.
Sarkaal kale oo lagu magaabo Stepehen Kashure oo ah taliyaha xerada Singo oo ay ciidammadan tababarka ku qaateen ayaa xusay in Ciidammadan ay yihiin kooxdii Todobaad ee tababarka ku qaadata xeradan islamarkaana Soomaaliya ka howlgasha tan iyo bishii August ee sanadkii 2011ka.
Dhanka kale Dowladda Uganda ayaa hadda ah dowladda ay ka socdaan ciidammada ugu tiro badan marka laga hadlayo Ciidammada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya waxaana qorshahani uu qeyb ka yahay qorshe guud oo Midowga Afrika ku kordhinayo Ciidammada ka qeybqaadanaya howlgalka AMISOM si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
SomaliSwiss Kampala
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.