Qaar ka mid ah madax dhaqameedyada ku sugan magaalada Muqdisho ee soo xulaya Xildhibanada baar lamaanka cusub uu yeelan doono iyo siyaasiyiinta dooneysa in ay noqdaan madax-weynaha Soomaaliya ayay dhowaan hareynaysaa fadeexad ku saleysan laaluush qaadasho iyo laaluush bixin. HOOS KA AKHRI WARBIXIN DHEER
Sawiro maqal iyo muuqaal ah oo si sir ah kaamirooyinka aan la arag looga duubay in badan oo ka mid ah oday dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta madaaxweynenimo doonka ah ayaa muujinaya in qaar badan oo ka mid ah oday dhaqameedka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ay dad xildhibaan doon ah ka qaateen lacago gaaraya $5000 Doollar si loogu daro xildhibaanada lamagacaabi doono, lacagahaasi oo ay bixiyeen qaarkood baarayaal u shaqeynayay qaar ka mid ah hay’adaha sirtaan soo aruuriyey, taas oo ay ka dhex muuqdaan madax dhaqameedyo badan oo lagaranayo.
Warbixinadaan oo loo duubay si qarsoodiya kulamo ka kala dhacay meelo kala duwan oo isugu jira Hoteello, guryo khaas ah iyo meelo kale, isla markaana ay SomaliSwiss u suurta gashay in ay daawato qeybo ka mid ah cajaladahaas sirta ah ayay ka dhex muuqaneysaa fadeexad weyn oo soo wajihi doonta madax dhaqameedka iyo madaxweyne doonayaasha, iyo kuwa doonaya xildhibaanimada Soomaaliya intaba.
Si kastaba SomaliSwiss, madaabaceyso muuqaallada dadkaan sababtoo ah, waxaan ku helnay qaab Confidential ah, iyo shuruud ah in aanan faafin doonin magacyada iyo muuqaallada Hal qof oo ka mid ah dadka arrintaas ku lugta leh ama laaluushka qaatay ama bixiyay intaba ilaa iyo inta howshaan lasoo gebagebaynayo ama waqti kale laga gaarayo.
Sirtaan oo ay aruurinteeda iska kaashanayaan hay’ado kala duwan, isla markaana ay fulinayaan dad loo xilsaaray oo si sir ah u shaqeynaya kuwaas oo wata magacyo iyo maamuusyo kala duwan kana kooban inta aan ogaannay 94 qof oo (4.5) 5-ta Qabiil ee Soomaaliyeed ah ayaa warbixin laga diyaarin doono ugu dambeynta waxaa lagu soo eedeyn doonaa laaluush qaadasho iyo bixin dhamaan intii ka qeyb qaadatay ee cadeyman lagu helo.
Hay’adaha dabagalka Musuq maasuqa Qaramada midoobay, kuwa sirdoon dowladda Soomaaliya oo madax banaan, hay’ado kale oo ka socda dowladaha Soomaaliya taageera ee reer Galbeedka ah iyo kuwa Afrika ayaa isha kuwada haya, isla markaana baaritaan xoogan ku samaynaya heerka uu gaarsiisan yahay saameynta lacagaha laaluush-ka ah ee lagu bixinayo, doorashada xilalka Xildhibaanimo, gudoomiye baarlamaan iyo madaxweyne-nimo ee ay bixinayaan dadka doonaya in ay noqdaan xubin baarlaman, afhayeenka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo tan madaxweynenimada dalka soomaaliya, iyo kuwa qaadanaya intaba.
Iyadoo dhowaan lagu wado in la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub uu yeelanayo Soomaaliya ayaa waxaa socda loolan iyo tartan loogu jiro xubinimada baarlamaanka, kaasoo laga dareemayay magaalada Muqdisho
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo gaarayay magaalada Muqdisho siyaasiyiin, aqoonyahano iyo dad kale oo xusul duub ugu jiray inay Xildhibaanada cusub noqdaan, waxaana arrintan ay noqotay mid saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee socda, hase yeeshee arrinta aysan dad badan ku baraarug sanayn ama ogeyn ayaa ahayd in dadka xildhibaanada doonayay in badan oo ka mid ahayd ay ahaayeen baarayaal sirdoon ah oo doonayay in ay xaqiijiyaan in meesha musuq maasuq ka maran yahay iyo in kale.
Odayaasha dhaqanka ee awooda u leh inay soo xulaan ayaa hadba waxaa gor-gortan la bilaabay xubnaha doonaya inay noqdaan Xildhibaan, waxaana durba arrintan ay keentay kala jiidasho odayaasha dhaqanka, maadaama ay soo gudbinayaan magaca shaqsiga Xildhibaanka noqonaya, taas oo durba lagu guuleystay in baarayaasha qaarkood ay bixiyaan lacago 5000 Doollar ah, iyadoo cajalodo maqal iyo muuqaal ah laduubay kuwaas oo qarsoodi ahaa, baarayaashaas oo qaarkood magacyadooda lagu soo dari doono liiska xildhibanada lamagacaabi doono.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee 275-ta xubnood ayaa waxaa farqaha iskula jira Xubno badan oo hami ugu jira, waxaana galaan-galka ugu badan wada Xildhibaanadii hore sidii ay dib u soo laaban lahaayeen, halka xubno kalena ay daneynayaan inay iska dhex arkaan, waxaana sidoo kale ku dhex milan dad doonaya in ay xalliyaan wax ka weyn xildhibaan nimo in ay raadiyaan kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay salka ka jaraan laaluush iyo musq maasuq.
Xildhibaanada cusub ee la soo xulayo ayaa dooranaya Gudoomiyaha baarlamaanka, kuxigeenadiisa iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo la dooranayo ka hor 20-ka bisha Agosto, hase yeeshee in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta xildoonka ah iyo oday dhaqameedka ayaa ceeb iyo yax yax isla qarin doona markii ay arkaan muuqaalkooda oo lashaacinayo iyagoo laaluush qaadanaya ama bixinaya, waana arrin dhici doonta muddo aan fogeyn ka dib.
SomaliSwiss Invistigation Unit
Filed under: Assessment Unit |
You must be logged in to post a comment.