Magaalada Jowhar oo ka baxday gacanta Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo ku wajahan.

Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in inta badan Dagaalyahannadii Xarakada Al-Shabaab ee degmadaasi ku sugnaa ay isaga baxeen.

 Ciidamada iyo maleeshiyaadkii AlQaacida, garabkooda Al-Shabaab ee ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa isaga cararay degmada Jowhar, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in Saraakiishii Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Dhexe ay iyaguna halkaas ka baxeen.

Goob joogeyaal ku sugan Jowhar oo aan la xariirnay ayaa sheegay in shalay ilaa xalay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay ka baxayeen degmada Jowhar, lamana hubo dhinaca ay qabteen.

 Hadal heynta ugu badan ee Magaalada Jowhar ayaa ahayd maalmihii la soo dhaafay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ku wajahan yihiin magaalada waqtiyada soo socda, iyadoo wararka laga helayo saraakiisha dowladda ee ciidamada Soomaaliya ay sheegayaan in ay aad ula socdaan arrimahaas balse aysan dooneyn in wax dagaal ah ka dhacaan gudaha magaalada, iyagoo sheegay in ay ka dhowrsanayaan wax yeello soo gaarta shacabka.

Si kastaba haddii ciidamada dowladda KMG ah qabtaan magaalada Jawhar, waxay ka dhugan tahay in ay gacanta ku dhigayaan meel halbowle muhiim ah u ah bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada xeebta ilaa goboolada Hiiraan, Galgaduud, Galhareeri, Ceel dheer iyo meelo kale oo fara badan kuwaasi oo dhammaan isku socodkooda laga xakumi karo Jowhar.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: