Wafdi uu hogaaminaya R/wasare ku xigeenka dalka Ireland oo Maanta booqasho rasmi ah ku tagay Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayay Ra’isul-wasare ku xigeenka dalka Ireland ayaa wuxuu maanta booqasho rasmi ah ku yimid Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdishu, wuxuuna isla markiiba la kulan la qaatay Ra’isul wasaraha dalka Soomaaliya Mudane C/wali Gaas, waxaana kulankaas goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya waxaana ay labada masuul kawada hadlayeen arimo ku saabsan xaalada labada wadan.

Ugu horreyntii Mudane C/wali Maxamed Cali ayaa wuxuu Ra’isul-wasaare kuxigenka Ireland uga waramay xaaladaha siyaasada, caafimadka, gargaarka bina’adanimo ,waxbarashada iyo arimo kale oo dalkan ku saabsan iyadoo masuuliyiinti Ireland oo uu hogaaminayay Ra’isul-wasaare ku xigeenka dalkaasina ay Raisul-wasaraha Soomaaliya iyo xubnihiisa golaha wasiirada uu la kulmayna uga waramay siyaasada airland iyo waxyaabaha ay rabaan inay Soomaaliya ka qabtaan.

Sidoo kale  marki la soo gaba gabeeyey Kulanka labada dhinac ayaa waxaa si wada jir ah warfidiyeenka ula hadleen labada masuul waxaana ugu horeyntii wasiirka koowaad ee dalka Soomaaliya Mudane C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa ka warbixiyay wada hadalkii dhex maray isaga iyo Mr Eamonn ra’isul was are kuxigenka Ireland

Si kasta ha ahaatee Dowlada Ireland oo ka tirsan Midowga Yurub ayaan horay uga dhex muuqan xaaladaha wadanka Soomaaliya iyo u soo gurmashada dadki dhibaateysnaa ee abaartu saameysay iyadoo imaanshaha Eamonn Gilmer ee maanta ay masuuliyinta uu la kulmay ku macneeyay in ay tahay mid kor u qaaddeyso xiriirka Soomaaliya oo aysan aheyn mid siyaasadeed, waxayna balan qaadeen masuuliyinta wadanka Irelanda oo ay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya uga deeqeen 3-milyan oo dolarka Mareykanka, taas oo ay marsiin doonaan hay’adaha gargarka ee Qaramada Midoobay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: