Qaar ka mid ahErgada ansixinta qabyo qoraalka Dastuurka cusub ee dalka ayaa waxay sheegeen in wax dib u dhac ah aanay ku imaan doonin howlaha ansixinta Dastuurka islamarkaana uu ku dhamaan doono mudada 4-ta maalmood ah ee ka harsan.
Idaacadda Muqdisho oo saaka wareysatay Qaar ka mid ah ergooyinka ayaa waxay sheegeen in  jadwalka shirka uu maanta meel fiican marayo, waxayna rajeeyeen in shirka uusan dib uga dhici doonin waqtigii loogu talagalay, isla markaana ay ansixin doonaan Dastuurka cusub si dalka looga saaro KMG-ka
Sida lagu soo warramay ergada ayaa wali ka doodaysa qodobbo ka mid ah Dastuurka waxayna caddeeyeen in shirka uu u socdo si habsi leh oo aan madmadow laheyn waxeyna rajo wanaagsan ka muujiyeen insixinta Dastuurka.
Howlaha Shirka ansixinta qabyo qoraalka Dastuurka ee ka socda Muqdisho ayaa maanta galay maalintiisa Afaraad, kaasoo ummadda Soomaaliyeed ay si weyn uga dhur sugayaan ansixinta dastuurka cusub ee uu dalka yeelanayo.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.