Barak Obama oo Soomaaliya ku tilmaamay saldhigga uga weyn ee laga soo abaabulo weerarada ka dhanka ah Mareykanka.

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Madexweynaha dalka Mareykanka Barak obama oo ku socotay koongareeska dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in xaaladda Soomaaliya haatan ay noqotay mid Caalamka ku haysa walwal weyn oo aan caadi aheyn, gaar ahaan Wadanka Mareykanka, taasoo ay ka soo muuqanayaan arimo muujinaya falal argigixisinimo oo mareykanka ka dhan ah.

Barak obama ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay si aad ah uga walwalsan tahay waxa ka dhalan kara xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya, taasoo uu ku sifeeyay inay tahay dhibaato caalamka oo idil ku faafeysa haddii aan wax laga qaban.

Madaxeyne Obama ayaa warqaddiisa uga hadlay Arimaha burcad badeedda , wuxuuna kooxdaas   ku tilmaamay qaswadayaal iyo hanjabaada kul kulul ee ka soo baxaya Al shabab kuna wajahan caalamka ayuu obama sheegay inay muujinayaan in Soomaaliya ay ku jirto marxalad tii ugu adgeyd oo lama huraan ay tahay in talaabo laga qaado.

Sidoo kale Madaxweyne Obama ayaa Soomaaliya ku tilmaamay in y saldhig ay ka dhigteen waxa uu ku sheegay argigixisada islamarkaana laga soo abaabulo weerarada iyo qaraxyada ka dhanka ah mareykanka ee lagu bartilmaamsanayo xarumaha mareykanku uu ku leeyahay qaaradda Africa.

Madexweyne Obama ayaa sheegay in lagu xadgudbayo cunaqabteyntii hubka ee la saaray somlia bishii janaayo ee sanadkii 1992dii.

SomaliSwiss    Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: