Sida aad la socotaan waxaa shalay hakad galay Shirkii ansixinta dastuurka Soomaaliya hase yeeshee waxaa lagu soo warramayaa in maanta dib uga billaabmay magaalada Muqdisho, taasoo uu wasiirka dastuurku ku sheegay inay ahayd cillad farsamo oo dhinaca kambiyuutarrada ah.
Shirka oo maanta galaya maalintiisii Afaraad ayaa waxaa lagu wadaa in looga hadlo dastuurka oo la sheegay inay ku jiraan qodobbo dhowr ah oo ergadu ay ka biyo diidsan yihiin, balse madaxda DKMG ah ayaa horay u sheegay inaysan waxba ka bedeli karin waxna ku dari karin.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ergooyinka shirka loo qaybiyay dhowr koox iyadoo lagu wado inay si gooni-gooni ah kaga doodaan qodobbada dastuurka ee uu muranku ka taagan yahay, iyagoo calaameyn doona qodobbada ay u arkaan inay wax ka bedel u baahan yihiin.
Balse waxaa lagu wadaa inay qodobbadaas dib u eegis iyo wax ka bedel ku sameeyaan Xildhibaannada Cusub ee soo geli doono Barlamaanka Qaranka, inkastoo lagu hanwey yahay in ergooyinka ay sagaal maalmood ku ansixiyaan dastuurka qabyada ah oo ay madaxda dowladdu u arkaan midka ugu weyn ee looga gudbi karo xilliga KMG ah.
Sidoo kale, waxaa socda Xulista xildhibaannada cusub ee dalku uu yeelanayo marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, kuwaasoo soo dooran doona madaxda dalka ee hoggaamin doonta dowladda joogtada ah ee ay Soomaaliya yeelanayso markii ugu horreysay 21-sano kaddib.
Dhanka kaleĀ sida la sheegay waxaa si aad loo adkeeyey Ammaanka goobta uu shirku ka socdo,Ā iyadoo wadooyinka kale ee Muqdisho la dhigay ciidammo ilaaliya, inkastoo wasiirka dastuurka uu horay u sheegay in hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta uu shirku ka socdo, kuwaasoo uu sheegay inaysan khasaare geysan, wax cabsi ahna aysan gelinayn ergada.
Ugu dambeyntii waxaa jira warar sheegaya in shalay bam lagu qarxiyay mid ka mid koontaroollada laga ilaaliyo xarunta uu shirku ka socdo, iyadoo ay u muuqato xukuumaddu inay falalkaas oo dhan u noqdeen kuwo ay ku tusaale qaadato ayna adkeysay ammaanka jidadka soo gala xarunta shirku ka socdo.
SomaliSwiss Ā Ā Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.