Magaalada Mersin ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacday Xaflad lagu sagoontinayo Markab siday shixnad lagu fulinaayo Mashaariicda Horumarinta Soomaaliya oo isugu jirta cunno iyo Alaabo kala du wan oo ay qeyb galeen Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Mohamed Mursal Sheikh. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Xafaldan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Heyadda Bisha Cas iyo maamulka Mersin ee Dalka Turkiga deeqdani oo ka kooban Makiinado iyo Gawaari tiradooda gaareyso ilaa 72 oo isugu jira Makiinadaha lagu sameeyo wadooyinka, Baabuurta qaada qashinka, Makiinada wax lagu qodo, ayadoo sidoo kale gawaarida saran markabkani isugu jiraan gawaarida iska roga ah, booyado, kuwa shamiintada qasa iyo kuwa wadooyinka lagu nadiifiyo, waxaa shixnadda saaran markabkani ka mid ahaa raashin isugu jira Bur iyo Sokor oo midkiiba gaaraya ilaa iyo 2000 oo Tan.
Sidoo kale deeqdani ka timid dalka Turkiga oo ka kooban agabyada ka duwan ee loogu tala galay in lagu dhiso magaaloyinka waa weyn ee dalka ayaa waxaa maamulka Gobolka Benadir ugu deeqay Maamulka Magaalada Istanbul ayadoo loogu tala galay horumarinta caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdishu,
Dhanka kale Raashin deeqda ah ee saaran Markabka ayaa waxaa loogu tala galay in la gaarsiiyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo si loola tacaalo dhibaatooyinka bini aadannimo ee ka jirta qeybo ka tirsan Dalka.
Si kasta ha ahaatee waxaa munaasabaddaas khubdad ka jeediyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mr. Mohamed Mursal iyo Xoghaya Koowaad ee safaaradda Aabduqaadir Maxamed Nur waxayna sheegeen in deeqdani ay wax weyn ka tari doonto horumarinta caasimadda Dalka Soomaaiya ayadoo sidoo kale sheegay in gacan sare ka geysan doonto rajo soo celinta umadda Soomaaliyeed iyo ka samata bixinta dhibaatooyinka bini aadannimo ee ka jirta qeybo ka tirsan Dalka.
Ugu danbeyntii Safiirka wuxuu mahad gaar ah u jeediyay Heyadda Bisha Cas Maamulka Gobalka Mersin TIKA iyo Maamulka Istanbul ee Turkiga oo deeqdani soo ururiyay suurta geliyayna in la gaarsiiyo walaalahood Soomaaliyeed.
SomaliSwiss   Mersin
Filed under: Istanbul |
You must be logged in to post a comment.