Waxa ay aheyd Habeen ay si weyn u wada sugayeen Shacabka Soomaaliyeed in uu Calankooda Buluuga ah kasoo dhex Muuqdo Tuulada Ciyaaraha Olompikada ee London Olompic Games 2012. DAAWO SOMALI TEAM FULL VIDEO
Tan iyo Diyaar Garowgii dalka Soomaaliya uu u galay ka qeyb galka Ciyaarahaasi, waxaa Quluubta Shacabka Soomaaliyeed ku jiray in Mar kale uu Calanka Buluuga Saaxada Caalamka la dhex mari doono Ciyaaryahankii weynaa ee Ciyaaraha Fudud Cabdi Bile Cabdi oo hogaaminaya Koox ciyaartoy Soomaaliyeed.
DAAWO CALANKA SOOMAALIYA OO OLYMPIC-GA LONDON KA DHEX MUUQDA.
Marka aan eegno Shacabkeena Soomaaliyeed Mar waliba waxaa u Muhiim ah in Calankooda Buluuga ah ay ka dhex Arkaan Saaxada Caalamka, balse hadii aan Soomaali nahay ma is weydiinaa Maxaa inaga qaldan, Maxaa inaga qaldamay, Halkee nalaga heystaa?
Waa Guul, Waa Farxad, Waa Taariikh in Ciyaaraha Olompikada 2012 uu Calankeena Buluuga kasoo dhex Muuqdo, Balse waxaa niyad jab, iyo Murugo nagu ah In Ciyaaryahankeena weynaa ee Ciyaaraha Fudud Cabdi Bile Cabdi, Safar Dheer loosoo geliyo sidii uu u Xambaari lahaa Calanka Soomaaliyeed, daqiiqadihii ugu danbeeyayna lagu war-geliyo in uusan aheyn ninka Calanka Buluuga ah Xambaari doono.
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee G.O.S ma yihiin Guddi og Halka ay u socdaan iyo Shaqada ay qabanayaan ama ka fikira oo ka fiirsada waxyaabo badan?
Waa suāaal cid waliba sida ay doonto u fasiran karto, balse Adigoo aan deg degin si taxadir leh u Aqri Qoraalka Soo socda !
2-Muddo Todobaad ah Cabdi Bile Cabdi, WuxuuĀ ku sugnaa London, Waxaa loo sameeyay Xaflado aan kala joogsi laheyn, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Marti qaaday, waxa ay u marti qaadeen in uu Qaado Calanka Soomaaliya xilliga Furitaanka Ciyaaraha Olombikada, Cabdi Bile Waxa uu Saxaafada Caalamka u sheegay in uu yahay ninka Qaadi doona Calanka Buluuga ah.
Innagu waxaan ogaannay 26-07-2012 ā Maalin Khamiis ah in ay calanka qaadi doonto Gabadha Soomaaliyeed ee Ciyaarta orodka Soomaaliya ugu qeyb galeysa Tartanka Olombikada, gabadhaas oo lagu magacaabo Zamzam, Balse waxaan si taxadir leh u dhowreynay in aanan Warbixintaas ku deg degin.
Calanka in ay qaado Gabadha u tartameysa Qaranka Soomaaliyeed iyo inuu qaado Orodyahanka Qaranka waa isku mid, laakiin su’aashu waxay tahay maxaa Ciyaar yahankeenna beenta loogu sheegay, maxay ahayd sababta kaliftay in sharaftiisa lagu ciyaaro.
Way dhici laheyd in Hadii aan Warbixintaasi Qori lahayn dad badan ay shaki gelin lahaayeen, waayo, isla habeenkii waxaa Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga Wareysi siiyay Cabdi Bile Cabdi oo sheegay in uu yahay Ninka Qaadi doona calanka Buluuga ah, isla markaana lagu Marti qaaday.
Magaalada London Waxaa Maalintii Jimcaha aheyd gil gilay Hadal heynta ah in Cabdi Bile uusan Qaadeynin Calanka Buluuga ah ee dalka Soomaaliya, balse waxaa la yaab aheyd in Guddiga Olombikada aysan Arrinkaasi oo idil wax warbixin ah u heynin, ilaa uu xariir la sameeyay Saxafi Madax banaan oo aan dooneyn in magaciisa la xigto, xilligaas oo ay sheegeen in aysan Warkaas jawaab sax ah ama qalad ah u heyn balse ay ogaan doonaan waxa ka jira.
āGuddiga Olombikada Aduunka ayaan wacnay, waxa ay nagu war geliyeen in qof aan Ciyaartoy aheyn uusan qaadi karin Calanka, Manaqaan wax aan sameynoā Waxa uu ahaa hadalka kasoo yeeray Madaxda Olombikada Soomaaliya Salaadii Jimco ka dib xilligaas oo ka qeyb galka xaflada ay ka harsanayd Saacado.
Maxaa kaaga baxay Jawaabtaas ?- Is-weydii hadii aad tahay shaqsi Aqrisanaya Qormadaan, Aaway Masāuuliyadii iyo Shaqadii Guddiga Olombikada, Mise Shaqadoodu waxay ka badin weyday ka qeyb galka Casho sharafeedyo, sidaasi darteed ayey fursad u waayeen in ay Ogaadaan Howsha ay u yimaadeen iyo waxyaabaha sugaya.
Hadaba Suāaasha Taagan waxa ay tahay Mar hadii ay G.O.S ku fashilantay Ciyaaraha Olombikada 2012, isla markaana ay meel uga dhaceen sharaftii iyo sumcadii Ciyaaryahankii weynaa ee qaranka Soomaaliya Cabdi Bile Cabdi, Maxaa la gudboon oo ay tahay in ay sameeyaan?
SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com
Other Related Videos From SomaliSwiss Media
Daawo Video-ga goolashii ugu wanaagsanaa ee ay xulka kubada Kolayga Soomaaliya ka dhaliyeen kooxaha Kuwait iyo Qadar.
DAAWO SAWIRADA Xulka Gabdhaha Kubadda Koleyga Soomaaliya oo markale guul kasoo hooyay xulkaĀ Kuwait. December 16, 2011
DAAWO SAWIRADA Gabdhaha Kubadda Koleyga Soomaaliya oo guul farxad leh ka kasoo hoyay kuwa dalkaĀ Qadar. December 14, 2011
DAAWO CAJALAD VIDEO ARDAYDA SOOMAALIYEED EE DALKA TURKIGA
SomaliSwiss@hotmail.com
OTHER RELATED VIDEOS IN SOMALISWISS WEBSITE
Hoose ka daawo Heesta loo sameeyay saxiibtinimada walaalaha Turkiga iyo Soomaaliya.
DAAWO BOOQASHADII R/WASAARAHA TURKIGA EE MUQDISHO
HALKAAN HOOSE KA DAAWOĀ BILOW ILAA DHAMAAD VIDEO-GA
SomaliSwiss@hotmail.com
Other Related Videos
(Daawo Muuqaallo kale …Booqashooyinka iyo Abaaraha)
Daawo booqashadii Erdogan eeĀ Soomaaliya.
Soomaalida Qurbaha iyo video-gii ugu saamaynta badnaa abaaraha dalkaĀ Soomaaliya.
Fannaanka weyn Kānaan Cabdi Warsame oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradahaĀ Muqdisho.
Daawo video-ga booqashadii madaxweynaha Jabuuti ee magaalada Muqdisho, 23 sanoĀ kadib.
MORE RELATED ARTICLES FROM SOMALISWISS
Filed under: London UK |
You must be logged in to post a comment.