Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska ee xukuumadda Soomaaliya oo rajo ka muujisay in Haweenku ay helayaan hoggaanka siyaasadda dalka 30%.

Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska ee xukuumadda KMG ah Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa rajo ka muujisay inay haweenku si wanaagsan uga qeyb qaataan siyaasadda dalka, isla markaana ay helaan 30% tirada xubnaha baarlamaanka cusub.

Marwa Maryan Aweys Jaamac oo wareysi siisay Warbaahina waxay sheegtay in ay haweenku rajeynayaan meel-marinta qoondada 30% ee laga siiyay dowladda la dhisayo bisha August.

Wasiirka ayaa sheegtay in qeyb galka haweenka ee maamulka dalka iyo siyaasadda ay tahay arrin muhiim ah oo ay maanta fahmeen Soomaalida, waxayna tilmaantay inay haweenku yihiin 60% ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Maryan ayaa waxay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay saameyn ballaaran ku yeesheen dagaalladii sokeeye iyo abaarihii dalka ka dhacay, sidoo kalena ay dowr muuqda ka qataeen samatabixinta bulshada Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in siyaasiiyiinta, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ay soo dhoweeyeen in haweenku ay ka qeyb galaan siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

Si kasta ha ahaatee Wasiirka ayaa rajo ka muujisay in waqtiga yar ee ka dhiman xilliga kumeel gaarka ah lana dhisi doono dowlad rasmi ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: