Magaalada London oo maanta Saacadaha dambe ka furmaya tartanka Olombikada Aduunka.

Maanta Jimce ah  ee taariikhduna tahay 27-Jully-2012 gelinka denbe ayaa waxaa si rasmi ah uga furmaya magaalada London ee xarunta dalka Britain tartanka Olombikada Aduunka ayadoo dadka Soomaaliyeedna sanadkaan ay si gaar ah isha ugu hayaan, kaalinta ay Cayaartooyda Soomaaliyeed ka geli doonaan.

Waxaa meel kasta aad ku arkaysaa Calanka Soomaaliyeed oo ka dhex muuqda Calammada kale ee  dalalka aduunka ee ka qeybgalaya tartankan Olombikada oo ku xardhaysan  qaybo badan ee Waddooyinka magaalada London.

Sidoo kale Soomaalida ku dhaqan maagaalada London waxay rajo wanaagsan ka qabaan in  labada orodyahan Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed ay tartanka Soomaaliya uga qeybgalayaan hadana dad badan oo Soomaaliyeed ay guul u arkaan, haddana waxay guul kale ay u arkaan in Calankeenna quruxda badan uu ka dhex muuqda dalalka sida joogtada ah tartankaasi uga qeybgeli jiray inaguna saameynta colaadaha darteed aan fagaarayaasha waaweyn ee caalamka uga maqneyn.

Sida ay horayba ugu dhawaaqeen Orodyahannada Soomaaliya Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed markey ka soo ambabaxayeen magaalada Muqdisho waxay dadweynihii iyo madaxdii Soomaalida  soo sagootinaysay waxay u sheegeen iney guul u soo hoyn doonaan dalka iyo dadka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in la sheego, hadal heynta ugu badan ee farxad gelisay dadka Soomaaliyeed ay tahay in furitaanka tartankan ee galabta uu orodyahanka sumcadda iyo magaca dalkeenna u soo hooyey ee Cabdi Bille Cabdi uu qaadi doono Calanka Soomaaliya inta Calammada dalalka caalamka socodka lagu marsiinayo xafladda furitaanka.

Dadka ciyaaraha aadka u falanqeeya waxey kuu sheegayaan in wixii ka dambeeyey tartankii Olombikada dalalka Carabta ee lagu qabtay magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar dhamaadka sanadkii hore 2011ka ay sii kordheysay sumcadda Sports ee Soomaaliya iyo in calankeenna uu fagaarayaasha aduunka si aad ah uga soo dhex muuqdo.

Sida la wada ogsoon yahay isla magaalada London waxaa Soomaaliya ay kaalin muuqata ka gashay tartankii Fanka Olombikada aduunka oo isagu halkaasi ka soconayey 26kii June ilaa 01-Jully ee isla sanadkan 2012ka ay Soomaaliya ka mid noqotay  17ka wadan ee kaalmaha hore galay ayadoo guushaasi ay Soomaaliya heshay uu hormuud u ahaa Abwaanka C/laahi Bootaan Xasan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: