Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirweynaha ansixinta dastuurka ee shalay oo Arbaco ahayd ka furmay Muqdisho, waxay caddeeyeen inay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda, ammaanka iyo deggenahaashaha Soomaaliya, xitaa haddii laga gudbo xilliga KMG ah.
Ergayga Colombia u fadhiya Qaramada Midoobay oo haatan ah Madaxaweynaha golaha ammaanka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay soo dhaweynayaan horumarka laga sameeyay xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya, taasoo maanta loo fadhiyo ansixinta dastuurkii lagu dhaqi lahaa Qaranka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri; “Saxiixayaasha heshiiska khariidadda nabadda waa inay xoojiyaan dadaallada looga gudbayo xilliga KMG ah inta aan la gaarin 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan”.
Sidoo kale Warsaxaafadeedkan ayaa lagu caddeeyey in Goluhu uu muujiyay sida uu niyad-jabsan yahay warbixinta ka hadlaysa musuq-maasuqa dhaqaale ee Soomaaliya, waxaana lagu baaqay in la joojiyo ku takri-falka hantida loogu deeqay shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, golaaha ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu hal sano oo dheeri ah ugu daray inay sii shaqeeyaan guddiga la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, kuwaasoo dhawaan soo bandhigay warbixin ku eedeysay madaxda dowladda KMG ah inay lunsadeen hanti Qaran.
Guddigan ayaa waxay shaqeyn doonaa illaa 25-ka bisha Ogoosto 2013ka, iyadoo warbixinta lagu sheegay in shixnadaha hubka ah ee ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya aysan quseyn howsha ay hayaan.
SomaliSwiss    New York
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.