Wasaaradda arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeysay shirka shalay ka furmay magaalada Muqdisho ee lagu ansixinayo Dastuurka.
wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ka soo saartay War qoraal ah oo loogu hadlaayo shirka ergada ansixinta Dastuurka oo shalay ka furmay Muqdisho uu socon doono Saagaal maalmood kaas oo noqon doono habkii sharciga ahaa ee dalka lagu dhaqi lahaa ilaa laga gaarayo Dastuur Rasmi ah oo Afti dadweyne lagu ansixiyo.
Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu xusay in shirka lagu ansixinayo Dastuurka uu yahay horumar weyn oo lagu dhameystirayo hannaanka kala guurka Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dhanka kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada Vigtooriya Loonan ayaa qoraalka ku sheegtay in dowladda Mareykanku ay dhiirrigelineyso in howlaha inta hartay si dhaqsa ah oon madmadow laheyn loo dhameyo si KMG-nimada looga baxo, 20-ka bisha Augost kadibna ay Soomaaliya gasho marxalad cusub iyo dowlad loo rasmi ah oo loo dhanyahay.
SomaliSwiss    Washinton
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.