Bulshada G/Banaadir oo Dibadbax ballaaran ku taageeray shirka ansixinta Dastuurka ee ka socda Muqdisho

Bulshada G/Banaadir ayaa maanta Dibadbax ballaaran ku taageeray shirka ansixinta Dastuurka ee  ka socda magaalada Muqdisho, Dibadbax ballaaran aya la sheegay inay ka qeybgaleen Kummannaan dadweyne ah, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay ku taageerayaan ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya uu yeelanayo.

Sida ay wararku ay sheegayaan Dibadbaxan ayaa ah mid ay dadweynuhu iskood isu abaabuleen ayaa waxaa ka qeybgalaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir kuwaas oo socod ku maraya waddooyinka waaweyn ee Muqdisho iyagoo muujinaya sida ay ula dhacsanyihiin shirka lagu ansixinayo Dastuurka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in  dibadbaxayaasha ay siteen Calanka Astaanta u Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidoo kale bannaanbaxayaashu waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku muujinayaan rabitaankooda ku aadan ansixinta dastuurka si loo helo dowladnimo rasmi ah, waxeyna ku qeylinayeen ereyo ay ku taageerayaan shirkaasi shalay ka furmay Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa waxay si weyn u adkeyay Amaanka dadweynaha dibaadbaxayasha, waxaana hakad la geliyay gaadiidka isticmaala waddooyinka inta ay socdaan dibadbaxayaasha.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: