Shirkii Ergada Dastuurka Ansixineysay oo maanta furmay iyo khudbado halkaas laga jeediyay.

Waxaa Maanta soo gaaray Xarunta ay ku shirsan yihiin ergada ansixin doonta dastuurka qabyada ah ee ka socdo School Polizio, Masuuliyiin fara badan oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi, kuwaas oo halkaas ka jeediyay qudbado.

DHEGAYSO KHUDBADDII SH. SHARIIF KA JEEDIYAY.DHEGEYSO KHUDBADDA SH. SHARIIF.

Madaxweynaha Soomaaliya, Raisal Wasaaraha, saxiixayaashii Road-Map-ka iyo Mahiga ayaa dhammaan soo gaaray goobta kuwaas oo khudbado ka jeediyay.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana halkaas yaala Qalab casri ah. Waxaana haatan soo dhamaaday khudbadihii madaxda oo uu ugu dambeeyay Sh. shariif.

Dhanka kale goobta uu shirku ka furmay ayaa waxaa ciidamada ay si weyn u adkeeyeen ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga goobta uu shirku ka dhacayo waxaana la xiray dhamaan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho si looga hortago fal kasta oo liddi ku ah ammaanka.

SomaliSwiss Ā Ā Ā Ā  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: