Sh. C/ Xakiim Sh. Cali Suufi oo MuxaadaroTaxane ah ka bilaabay Masjidka Turkiga ee magaalada Zürich Switzerland.

Waxaa maalmahan ka socday Masjidka Turkiga ee Magaalada Zürich barnaamijyo Diini ah iyo Muxaadarooyin waxtar u leh Jaaliyadda Soomaalida ee Muslamiinta ah ee ku dhaqan Kanton Zürich, waxaana Muxaadaradaas bixinayey  C/xakiim Sh. Cali Suufi oo Sanadkasta yimaada dalka Switzerland, gaar ahaan  Zürich.

Muxaadarooyin uu bixinayey Sheikh C/xakiim ayaa waxaa gundhig u ahaa Duruus si toos ah u taabanaysay guud ahaan dadka Muslimka ah, gaar ahaan Soomaalida ku nool Qurbaha, waxaana ka mid ahaa Nafta oo Run loo sheego iyo Fadaa’il-ul- Bisha Ramadaan.

Sidoo kale Sheikh C/xakiim wuxuu shalay si gaar oo faahfaahsan uga hadlay sidii qofka uga adkaan lahaa Naftiisa, taasoo uu qofka uga guuleysan karao oo kaliya inuusan raacin waxyaabaha xumaanta ah ee ay Naftiisa doonayso.

Balse Maalintii shalay ahayd Sheikh C/xakiim wuxuu muxaadaradiisa taxanaha ah uu uga hadlay Runta iyo Beenta, taasoo uu sheegay in Runta oo la sheegay ay qofku u hoggaaminayso Wadada lagu galo Albaabka Jannada, hase ahaatee Beenta oo la sheegana waxay qofka u hoggaaminayso wadada lagu galo Naarta.

Dhanka kale Sheikh C/xakiim sh. Cali Suufi wuxuu caddeeyey in Diinta islaamku aysan ahayn Diin xerxeran oo ciriiri ah, balse ay tahay Diin Raxmad badan, wuxuuna qodobkaas uga hadlay si cad oo waafi ah in Quraanka Kariimka iyo Sunnada Nabigeena CSWS nagula faray inaan ka shidaal qaadano dhaqanka suuban Nabi Maxamed iyo Axsaabtii ka danbeysay ay ku dhaqmi jireen.

Ugu danbeyntii Sheikh C/xakiim sh. Cali suufi, wuxuu ka haday Fadaa’ilka Salaadaha Sunnada ah ay leeyihiin, kuwaas oo uu sheegay inay kaabayaan Miisaanka Cibaadada, wuxuu Ka digay Adduun Jaceylka, wuxuuna sheegay in haddii uu qof aadanaha ahi uu is Raacsiiyo Hawada Adduunka oo keliya ay u horseedi karto inuu maro waddo Xun oo dhib badan, taasoo u horseedi karto Aakhiro beel iyo Adduun beel intuba.

SomaliSwiss Zürich

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: