Golaha Amaanka ee Q/M oo dhuuxaya warbixintii Musuq maasuqa madaxda Soomaaliya iyo waxa laga yeelayo.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kooban uga dooday maanta warbixin ay soo diyaariyeen guddiga la socodka arrimaha amaanka iyo cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo ku eedeysay madaxda dowladda KMG ah inay lunsadeen dhaqaale loogu deeqay dalka Soomaaliya.

Warbixintaas oo ka kooban boqolaal bog ayaa waxaa lagu sheegay in siyaasiyiinta horbooda talada dalka Soomaaliya ay xal dowladeed ka dhigteen ama u noqotay musuq-maasuq baahsan, ku-takri-falid hanti dadweyne iyo xatooyo xoolaha umadda Soomaaliyeed.

“Maanta waxay golaha ammaanku si kooban oo dhageysi ah uga hadleen warbixintii ay soo diyaariyeen guddiga la socodka arimaha nabad gelyada iyo cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee  fadhigoodu yahay xarunta Qaramada Midoobay.

Danjiraha Hindiya ee golaha ammaanka oo shir gudoominayay shirka ayaa warbixinta u qaybiyay xubnihii golaha ammaanka ee shirkaas kasoo qaybgalay iyadoo lagu wado in warbixintaan si rasmi ah looga doodo 31-ka bishan July.

Guddiga warbixintan soo diyaariyay ayaa sheegay inay caddeymo u hayaan eedeymaha ay u soo jeediyeen, qaar ka mid ah madaxda sare ee Soomaaliya, iyadoo madaxda dowladda KMG ah ay iska fogeeyeen eedeymahan iyagoo ku tilmaamay mid liddi ku ah horumarka ay ku tallaabsadeen.

Warbixinta ayaa waxaa lagu caddeeyay halka ay lacaguhu ka yimaadeen iyo sida ay ku baxeen, iyadoo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo arrintan ka hadlay ay sheegeen in madaxda dowladda KMG ah aan looga baahnayn inay beeniyaan oo keliya, balse laga doonayo in ay la yimaadaan caddeymo rasmi ah oo ay eedaha isaga beri yeeli karaan, haddii aysan sidaas yeelinna uu dambigu ku caddaanayo.

Golaha ammaanka ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo warbixintaan oo kale uu ka diyaariyo Soomaaliya, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu dhowr jeer oo hore sheegay in eedeymaha ku saleysan musuq maasuqa ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu dumiyo Soomaaliya.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: