Mahiga iyo Ra’isal wasaaraha oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka.

Ra’isal wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augstina Mahiga, iyo xubno ka socday Beesha Caalamka ayaa shalay  kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka, kulankaas oo ku saabsanaa sidii loo dadajin lahaa liiska Ergada Ansixinta Dastuurka si loo dhamaystiro diwaan galaintooda.

Mahiga: Odayaasha waxay  mataleysaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed:

Ugu horayntii Ergayga QM Dr. Augustina Mahiga oo goobta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahanyahay dhamaystirka diwaan galinta Ergada, lana dedejiyo soo xulida Xubnaha ma talaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Dr. Mahiga oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaana idinka codsaneynaa inaad baarlamaanka cusub ku soo xushaan sida ku cad Dastuurka, Waa inaad soo xushaan Baarlamaan tayo leh, kana bixin kara dhibka ku habsaday Soomaaliya 21 sano isla markaasna waxaa tihiin kuwii maanta ka saari lahaa dhibaatadaas, Waxaa tihiin Odayaashii Soomaaliyeed, waxaad mataleysaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, marka waxaa la idin ka sugayaa inaad soo xushaan Baarlamaan tayo leh, Waxaad soo jeediseen codsi ku saabsan in Baarlamaanka laga dhigo 275 xubnood, hadii aynu nahay Beesha caalamka iyo dowladda KMG ah waxaan isla qaadanay in la tixgaliyo codsigiina lagana dhigo 275 xildhibaan”

Sidoo kale waxaan idinka doonaynaa inaad soo dedejisaan Xubnaha Baarlamaanka si 2, August loo helo Liiska Xubnaha Baarlamaanka cusub si loo guda galo doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, Waxaan kaloo idinka codsanayaa inaad tixgelisaan 30%-ka ay ku leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed xildhibaanada, waayo waxaan ognahay in dhibaatadii ka dhacday Soomaaliya ay saamaynta ugu badan ku yeelatatay Haweenka iyo Caruurta.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir: Barlamaan aqoon iyo waayo aragnimo leh:

Dhanka kale waxaa klankaas ka hadlay goobta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane: Maxamed Nuur Tarsan wuxuuna ugu horayn ku booriyey Odayaasha Dhaqanka iney soo xulaan Baarlamaan aqoon iyo waayo aragnimo leh si loo soo doorto madax wanaagsan kuwaas oo ka saari kara shacabka Soomaaliyeed dhibatada ku habsatay, Hadii aad soo dooran weydaan dad aqoon iyo wadaniyad leh waxaad ogaataan in mustaqbalka Soomaaliya loo eersan doonaa Odayaasha Dhaqanka ee halkaan fadhiya.

Si kasta kulankaas ha u dhacee waxaa ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha golahiisa wasiirada ayaa booqasho waxay ku tageen Iskool Boliisiya oo ah goobta loo asteeyey inuu ka dhaco shirka Ansixnta Dastuurka, waxaana kulamo la yeeshay qaban qaabiyayaasha shirka kuwaas oo u sheegay Ra’iisul wasaaraha in dhamaan agabkii loo baahnaa la soo dhamaystiray shirkuna uu furmi doono 25 bishaan, waxaana ra’iisul wasaaruhu ku soo wareegay dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay Iskool Boliisiya isagoo uga mahadceliyey qaban qaabiyaasha howsha culus oo ay ku soo dhamaystireen mudadii yar kooban.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: