Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan mushahar iyo qalab ciidan ay siin doonto ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe, kadib markii maamulka Ahlu Sunna ay ku biireen dowladda, halkii ay markii hore ka ahaayeen urur madax banaan.
Macalin C/raxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) oo horay u ahaan jiray Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee degmada Dhuusamareeb ayaa shaaca ka qaaday in mushaar joogta ah loo bilaabi doono ciidamada ammaanka ka shaqeynaya ee ku sugan magaaladaasi.
Mr. Geeda Qorow waxaa uu hadalkaasi ka sheegay kulan amniga ku saabsan oo ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.
Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay meel saari doonaan xuquuqda ciidanka, isla markaasna hadda ka dib mushaharka ciidamada Ahlu Sunna ay heli doonaan mushaar joogto ah oo ay bixineyso dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in mushaar la’aanta ciidamada ay qeyb ka aheyd markii hore amaan darrida ka jirtay deegaanada qaar.
Sida la sheegay wasaarada arimaha gudaha ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay dhowaan qarameysay maamulkii iyo ciidankii Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud, iyadoo sheegtay in wixii hada ka dambeeya ay ku xuquuq yihiin madaxda iyo ciidamada kale ee dowlada maadaama ay si toos ah ula midoobeen dowlada KMG ah.
SomaliSwiss  Dhuusamareeb
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.