Afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay in Taliska Amisom ay diyaariyeen ciidammadii sugi lahaa amniga Shirka Ansixinta Dastuurka Cusub ee Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa  saxaafadda u sheegay in Taliska Ciidamada AMISOM ay diyaariyeen ciidammadii ilaalin lahaa goobta uu ka dhacayo shirka lagu ansixinayo dastuurka, sidoo kalena ay ilaalin doonaan goobaha kale ee shirarka lagu qabanayo.

Sida uu sheegay Col. Xaamud in ciidamada ay ugu talogaleen inay sugaan ammaanka goobahaas ay diyaariyeen, isagoo xusay in tani ay qayb ka tahay howgallada ay AMISOM ka qaybanayso Soomaaliya.

Col. Xaamud oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan diyaarinnay ciidammo ilaaliya goobaha lagu shirayo, sidoo kalena waxaan diyaarinnay ciidammo aan muuqan oo la socon doona dhaqdhaqaaqyada goobaha ay shirarku ka dhacayaan”.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadooda ay baaris ku sameynayaan cid walba oo galaysa goobta shirka iyo cid walba oo ka baxaysa, balse ma uusan in howshooda ay soconayso tan iyo inta laga dooranayo madaxweyne cusub iyo in kale.

Berri oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, waxaana shirkaas isugu imaanaya 825 ergay oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee blushada.

Dhanka kaleToddobadyada soo socda lagu wadaa in uu dhaco shir lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo tiradooda laga dhigay 275 xubnood, kuwaas oo bedeli doona  550-xubnood ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: