Taliska Ciidamada Nabad Sugidda oo sheegay in ay adkeynayaan ammaanka magaalada Muqdisho inta uu socdo shirka ansixinta dastuurka.

Taliska Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegay inay si taxaddar leh uga hor tageyso weeraro kooxda Al-Shabaab ka fuliyan Muqdisho inta uu socdo shirka ansixinta dastuurka oo manta furmaya.

Qaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay wadaan howlo adag, si ay u xaqiijiyaan ammaanka Muqdisho gaar ahaan xarunta shirka Ansixinta Dastuurka lagu qabanayo.

†Ciidamo gaar ah ayaa la diyaariyay oo roondeeynaya magaalada, 52-da isgoys ee waddooyinka Muqdishona waxaa la dhigay ciidamo gaar ah, iyadoo ay jiran Ciidamo kale oo qarsoon kuwaas oo magaalada ku dhex jira “ayuu yiri Qaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada nabadsugidda G/Banaadir.

Taliyaha ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka waddooyinka soo gala xarunta lagu qabanayo shirweynaha Ansixinta dastuurka, gaar ahaan xarunta School Polizio.

Maanta ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furmo shirka ansixinta Dastuurka, kaas oo ay ka qeyb galayaan ilaa 825-ergo oo ka kala socda gobollada dalka.

Malleeshiyaadka Shabaab ayaa looga bartay in Bisha Ramadan ay kordhiyaan weerarrada iyo qaraxyada lala beegsanayo shacabka wallow xilligan la wiiqay awooddii ay ummadda ku dhibaateynjireen, ayaa haddana waxaa ka soo yeeraya hanjabaadyo ay u jeedinayaan ergada shirka ka qeybgeleysa.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: