War uu noo soo diray Wariyaheenna ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirweynihii lagu Ansixin lahaa Dastuurka Cusub ee Soomaaliya uu markii saddexaad maanta dib u dhac uu ku yimid, iyadoo dib u dhaca lagu sheegay inuu yahay mid farsamo.
Sida la sheegay Shirkan ayaa wuxuu isugu jiraa ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka ay Soomaaliya yeelanayso ayaa la sheegay inuu furmi doono maalinta berri ah.
Wasiir u dowlaha wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka, Xasan Maxamed Jaamac oo saakay la hadlay warbaahinta ka howlgesha magaalada Muqdisho wuxuu yiri: “Dib u dhaca shirka waxaa sabab u ah ergooyinka oo aan qaarkood soo gaarin Muqdisho, waxaase la filayaa inay maanta soo gaaraan shirkuna uu berri furmo.”
Sidoo kale Wasiir u dowluhu wuxuu sheegay inaysan jirin sabab kale oo shirka uu maanta dib ugu dhacay, isagoo xusay in shirkaas uu si rasmi ah u furmi doono berri oo Salaaso ah, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay furitaanka shirka ee berri.
Hase ahaatee Odayaasha dhaqanka ayaan wali ka hadlin sababta uu shirku dib ugu dhacay, waxaana dib u dhaca shirkan uu noqonayaa kii saddexaad iyadoo lagu waday inuu furmo 12-kii bishan, balse uu dib ugu dhacay muran ku saabsan odayaasha iyo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka oo qalad laga sheegay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed iyo xubno wasiirro ah ayaa lagu wadaa maanta inay booqasho ku tagaan halka uu shirku ka furmayo oo ammaan ahaa aad loo adkeeyay.
Si kasta ha ahaatee Xukuumadda KMG ah ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay ku meel marin lahayd dastuurka qabyada ah, kaasoo la sheegay in wax ka bedel lagu sameyn doono tan iyo inta lagu ansixinayo afti dadweyne.
SomaliSwiss   Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.