Madaxweye Shariif Sheikh Axmed ayaa ku tilmaamay war ka soo yeeray saxiixayaasha Road-Map-ka, war aan sal iyo raad laheyn eedeymo ay siyaasiyiinta qaarkood u jeediyeen saxiixayaasha, iyadoo dhanka kalena uu rajo ka muujiyey in waqtiga kooban ee dowladda u haray lagu dhameystirayo howlaha ka harsan marxaladda kala guurka ah.
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SNTV) ayaa ugu horreyntii wuxuu guul ku tilmaamay in siyaasiyiinta Soomaaliya gaaraan heshiis buuxa taasna ay horseedday in Dastuurka cusub uu dalku yeesho waxaana uu dhanka kale Madaxweynaha Rajo ka muujiyey in muddada yaree dowladda u hartay lagu dhameeyo howlaha Dowladda horyaalla.
Sidoo kale Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa beeneeyey in saxiixayaasha Rood-Mapka ay ku tagri faleen marxaaladda kala guurka ah sida looga gudbaayo, isagoo tilmaamay in wax wanaagsan ay ummadda u horseedeen.
Hase ahaatee Madaxweynuhu uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wax walba ay ku qabsoomidoonaan waqtigi loogu talagalay isagoo meesha ka saaray ineysan u muuqan wax dib u dhac ah.
Balse Madaxweyne Sh. Shariif uu bulshada Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ku fara adeygaan dowladnimada, wuxuuna bulshadu u caddeeyey in dhibaatadii la soo maray looga bixi karo in la helo dowlad caddaalad ah.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.