Madaxda kooxda Monitoring Group ee Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay in ay olole ugu jiraan kala qeybinta dalka Soomaaliya.

Madaxda kooxda Monitoring Group ee ay Qaramada Midoobay u xilsaartay la socoshada cunaqabateynada hubka iyo la socoshada dhaqaalaaha ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea Matthew Bryden ayaa lagu eedeeyay in uu olole ugu jiro kala qeybinta dalka Soomaaliya.

Mr. Matt Bryden oo ah nin u dhashay dalka Canada islamarkaana qaba xaas soomaali ah (reer waqooyi ama S/land) ka soo jeeda ayay wararku sheegayaan in uu yahay nin u ololeeya madax-banaani ay hesho Somaliland.
Ninkan oo uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu ka soo horjeedo jiritaanka Soomaaliya ayaa amar ka soo baxay dowladda loogu diiday in uu soo galo dalka islamarkaana uu ka fuliyo howlihii ay Qaramada Midoobay u magacowday ee la socoshada dhaqaalaha iyo xayiraadda hubka Soomaaliya.
Sidoo kale Mr. Matt ayaa laga hayaa hadal ah
“Sii socoshada colaadda Somaliya waxaay faa`iido ugu jirtaa Somaliland, oo raadineysa madaxbanaani iyo aqoonsi”

Xaaska Matt oo lagu magacaabo Ubax Bryden oo ah haweynay Soomaali ah ayaa u haysa sadex caruur ah (2-wiil iyo 1 gabar), waxaana ay iminka daggan yihiin caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, wuxuuna Mr. MattĀ  isku haysta baasaboorada Canada iyo Somaliland.
Dhanka kale Mr. Matt Bryden iyo kooxdiisa ayaa soo saaray dhawaan warbixin ay ku eedeynayaan madaxda dowladda iyo kuwii ka horeeyay taas oo la xiriirta dhaqaale la lunsaday iyo awoodo lagu takrifalay.
Si kasta ha ahaatee waxaa Shacabka Soomaaliyeed ay isweydiinayaan sababta ay Qaramada Midoobay ugu magacowday xil Soomaaliya nin aaminsan kala qeybinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Ā Ā  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: