Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Dhulka oo shaaca ka qaaday in ay howlgalin doonta Diyaaradda Soomaali Airline.

Wasaaradda gaadiidka Cirka iyo dhulka ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan la howlgalin doono Diyaaradda Soomaali Airline iyadoona dhanka kale sheegtay in ay wado qorsho lagu mamnuucayo gaadiidka duuga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Cusmaan Cali “Dhagaxtuur” ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dhowaan howlgalin doonto Diyaaradda Soomaali Airline taas oo aan howlgalin mudadii uu burburka dalka ka jiray.

Waxaa kaloo Agaasimaha uu intaa ku daray in ay wadaan qorsho lagu mamnuucayo gaadiidka duuga ah ee ka howlgala dalka maadaama ay dhibaatooyin badan kala kulmaan shacabka.

Mudane Dhagaxtuur wuxuu xusay in wadanka la soo galin doono Gaadiid cusub si ay u badalaan kuwa duuga ah ee haatan ka howlgalo dalka, maadaama ay yihiin kuwo uu dhamaaday waqtigooda dhibaatooyin badana ay u geystaan dadweynaha isticmaala.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: