Ciidamo kawada tirsan dowladda oo uu iska horimaad ku dhexmaray Wadada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidammo ka wada tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iska-horimaad ku dhexmaray maanta oo Axad ah waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana isku dhacaas ku ku dhimatay Qof haweeney ah, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale. 

Sida lagu soo warramay haweeney  dhimatay iyo  laba qof oo ku dhaawacmay Rasaastii ay isku fureen labada Ciidan, balse dadkii kale halkaas joogay ayaa waxay mar qura ka carartay waddadaas,sidaas waxaa laga soo waryey qaar ka mid ah dadkii goobtaas ku sugnaa.

Isku dhacan ayaa yimid, kaddib markii ay soo weerareen ciidammo milateri ah gaari uu watay taliyaha saldhigga degmada Hodan oo aysaarnaayeen dad maxaabiis , iyadoo la sheegay in ciidamada qaaday weerarka ay doonayeen inay maxaabiistaas ka furtaan.

Sidoo kale, waxaa lagu soo warramayaa in maxaabiis saarnayd gaarigii uu watay taliyaha saldhigga booliiska Hodan ay ka baxsadeen dhowr maxbuus oo saarnaa, balse ma jirto weli hadal kasoo baxay taliyaha oo ku aaddan maxaabiista laga furtay.

Si kasta ha ahaatee arrintu  waxay dhacdadan noqonaysaa tii ugu horreysay oo ka dhacda Muqdisho tan iyo markii ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen kooxda Al-Shabaab gacan ku haynta degmooyin magaalada Muqdisho.

Balse lama oga maxaabiista fakiyay inay ka mid ahaayeen ciidamada iyo inay ahaayeen dad shacab ah, waxaase tani ay fajaciso ku reebtay dadkii ku sugnaa waddadaas oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho, isla markaana isku xirta madaxtooyad iyo isgoyska KM4.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: