Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaabiga u saaran magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere.

Howlgallo iyo Dhaq dhaqaqyo meleteri oo xoog leh ayaa 3-dii maalmood ee ugu dambeysay ka socday gobollada Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii ay ciidamada qalabka sida soo buuxiyeen duleedka degmada Baardhere ee gobolka Gedo.

Jamaal Xasan Sareey oo ah Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegay in degmada Baardheere ay kaabiga ku hayan, islamarkaana Todobaadyada soo socda gacanta ku dhigayaan isagoo tilmamay in ciidamo kale oo ka howlgelayaan dhinaca Qooqani ay ku dhawyihiin magaalo madaxda Jubbada hoose ee Kismaayo halkaas oo ay u jiraan dhowr Kilomitir.

Sidoo kale taliyaha ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan degmada Baardheere kadib markii maalin kahor ay ciidamadu gacanta ku dhigeen fariisimo ay malleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen duleedka degmadaasi.

Dhanka kale howgalkan ay ciidamada XDSoomaaliya ka wadaan deegaanno ka tirsan gobollada Gedo, Jubbooyinka, Baay iyo Bakool ayaa u muuqda mid u socda si ka duwan sidii hore iyadoo ay ciidamadu muujinayan dardar culus iyo farsamooyin ciidan oo casri ah.

SomaliSwiss     Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: