K
ulan ay ku yeesheen Saraakiisha Sare ee Waaxda Pentagonka Mareykanka ayaa waxay go’aan ku gaareen in 8 ka mid ah Diyaaradaha yar yar ee aan Duuliuya laheyn lagu wareejiyo Ciidamada AMISOM gaar ahaanna Askarta Kenya ee ku sugan gudaha Soomaalia si ay u sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed laga soo saaray Waaxda Pentagonka ayaa lagu caddeeyey in Lacag gaareeysa $41.4 Million ay Dowladda Mareykanka u qoondeysay in la siineyso dowladda dalka Kenya si loogu qalabeeyo Ciidamada Dowladda Kenya oo qeyb ka ah Howlgalka Amisom iyadoona Xukuumada Washiton ay rajo wanaagsan ka muujisay in Caawimaadaan ay fududeyn doonto in la beegsado Saldhigyada iyo Madaxda Al-Shabaab.
Sidoo kale Waaxda Pentagonka ayaa sheegtay in Waqti dhow Qalab Milatari oo farabadan iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ay siin doonaan Ciidamada kasocda Wadamada Uganda ,Burundi iyo Jabuuti oo iyagoo qeyb ka ah Holgalka Amisom jooga dalka Soomaalia.
Sida Warsaxaafadeedka laga fahmi karo in Dowladda Kenya oo Ciidamadeeda Milatariga oo adeegsanaya Diyaaradaha dagaalka ay u taag waayeen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ayaan la ogeyn waxa iskabadali kara Gulufkii dagaal ee ay wadeen hadii lasiiyo Diyaaradahaasi aan Duuliyaha laheyn si ay ugu Duqeeyaan Saldhigyada Al-Shabaab ee Gobolada ay gacanta ku hayaan.
SomaliSwiss     New York
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.