Cusbitaalada Caruurta ee magaalada Zürich ee dalka Switzerland ayaa talo ku soo jeediyey in aan la gudin ilmaha yar yar ee wiilasha dalkaas ku dhasha.
Waxay ku taliyeen in Baarlamaanku arrintaas qiimeeyo, isla markaana loo qaado go’aan la mid ah mid ay hore u gaartey dowladda Jarmalka oo sheegayay in aan la Gudi karin ilmaga Gabar iyo Wiil midkii uu noqdaba, taas oo ka Careeysiisay Jaaliyadaha Muslimiinta ah iyo kuwa Yuhuuda ee ku dhaqan dalka Switzerland.
Hay’adaha u dooda xuquuqda Diimaha iyo Jaaliyadaha wadanka Switzerland ayaa arintaasi si mideysan uga soo horjeestay,  waxayna af buuxa ku sheegeen in arrintaasi tahay ku xad gudub caqiidada Diimaha loo geysanoyo.
Jaaliyadaha Muslimiinta iyo kuwa Yahuuda ayaa dadaal aad u sareeya ku bixinaya inaan arrintaas baarlamaanku meel marin, iyadoo haatan dooda ay mareyso meel kulul oo aan lagaranayn halka ay ku biyoa dhici doonto balse waa lagu tegi doonaa wixii ka soo baxa iyo waqtigeeda.
SomaliSwiss Zurich
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Zurich Swiss |
You must be logged in to post a comment.