Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa maanta gudaha u galay Dugsi ama Mowlac ay ka buuxaan ilmo yaryar oo lugaha looga xiray Silsilado, oo ku yaala xaafadda Waxar Cadde ee degmada Huriwaa, kaas oo lagu sheegay in ay gacanta ku hayaan kooxa Al-Shabaab. HOOS KA DAAWO SAWIRA KALE
Markii ay ciidamada gudaha u galeen dugsigan ayay lakulmeen muuqaalo lala yaabo, iyadoo dhamaan ardayda kusugnayd dugsigaas ay ahaayen kuwo lugaha ka katiineeysan, intaas kadibna ciidamada ayaa amray in laga fur furo Silsiladaha oodana laga qaado.
Macallinkii dugsiga oo ay ciidamadu su`aalo weydiiyeen ayaa iska fogeeyay eedeymaha ah in dugsigu ay Al-Shabaab leeyihiin, waxaana mar uu ka jawaabayay sababta ardayda katiinad uga wada xir-xirtay lugaha uu ku sheegay in ay dugsiga u gooyaan oo aysan soo xaadirin, jawaabtaasi oo ah mid caqigu diidayo.
Waa markii ugu horeesay oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM helaan dugsi noocan oo kale ah, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay caruurta yaryar u adeegsadaan dagaalada iyo Isqarxinta, iyagoo ka dhaadhacsiiya in ay galayaan Jannada, Caruurta qaarna siiya daroogo ama maandooriye si ay isku haligaan.
Somaliswiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.