Taliyaha ciidamada Booliiska oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay gacan ka geystan sugidda ammaanka Dalka.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Shiiqunaa Maye ayaa ka codsaday Dadweynaha Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan laamaha amniga ee Dowladda sidii loo soo qabqaban lahaa Dambiileyaasha iyo Burcadda dhibaatooyinka joogtada ah ku haya Ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada Booliiska oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka Codsaday Bulshada Soomaaliyeed  in ay gacan ka geystaan adkeynta amaanka dalka gaar ahaan Caasimadda, isla markaana ay ku soo wargeliyaan ciidamada booliiska haddii ay la kulmaan fal kasta oo liddi ku ah ammaanka.

Taliyaha wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada ay ku sugayaan ammaanka caasimadda si looga hortago kooxaha ka shaqeeeya dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ku guuleysan doonaan xaqiijinta ammaanka dalka.

Si kasta ha ahaatee hadalka taliyahaya ayaa imaanaya xilli si weyn loo adkeeyay ammaanka caasimadda si aan wax dhibaato ah u dhicin muddada ay socoto ansixinta dastuurka xulusta baalamanka iyo doorashada madaxda qaranka howshaas oo looga baxo marxaladda KMG ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: