Fanaanadda Saado Cali oo lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Garoowe, markii ay ku dhaawacantay shil Gaari.

Warar aan ka helnay Puntland ayaa sheegaya in fanaanadda Caanka ah ee Saado Cali Warsame, ay 5:00 galabnimo ee waqtiga bariga Afrika ee maanta ku dhaawacantay shil Baabuur oo ka dhacay jidka u dhaxeeya Gaal-kacyo iyo Garoowe.

Shilkan ayaa sababay Geerida hal qof iyo dhaawaca sadex qof oo kale oo ay ku jirto Fanaanaddu, waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya tirada inta qof ee dhimatay iyo dadka ay ahaayeen.

Sida ay wararku sheegayaan Gaarigii ay la socotay fanaanadda iyo dad kale oo ka soo degay Garoonka Gaalkacyo una sii jeeday magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland ayay isku dhaceen Baabuur kale oo xamuul siday meel Garoowe u jirta 45 KM.

Fanaanadda Saado Cali Warsame ayay haatan wararku sheegayaan in lagu dawaynayo cisbitaalka Magaaladda Garoowe, waxay wararka cisbitaalka laga helayo sheegayaan in ay ka jabtay gacan isla markaana dhaawac kale ka soo gaaray garabka bidix iyo qoorta, lamana hayo faahfaahinta inta uu dhan yahay dhaawaca qoorta ka gaaray, hase yeeshee dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay in ay Miir qabto oo ay wax kala ogtahay.

Dadweyne tiro badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaaladda Garoowe ayuu la ciir ciirayaa Isbitaalku, kuwaas oo soo buux-dhaafiyey cisbitaalka la dhigay, iyagoo ka xumaaday dhaawaca soo gaadhay fanaanadani.

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: