Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo Dowladda iyo Odayaasha ugu baaqay inay Tixgeliyaan Saamiga Haweenka ay ku leeyihiin Hoggaaminta Siyaasadda Dalka.

Shir ay haweenka Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kasoo saareen warsaxaafadeed ay uga Codsanayaan Dowladda KMG ah iyo odayaasha dhaqanka inay tixigeliyaan saamiga ay ku leeyihiin hoggaaminta dalka oo ahayd 30% ah.

Sidoo kale Haweenka ayaa waxay soo dhaweeyeen horumarka laga gaaray geedi socodka looga baxayo xilliga KMG ah, iyagoo ku boorriyay madaxda dowladda in muddada yar ee u harsan ay ku dhameystiraan howlaha horyaalla.

Waxaa Shirka haweenka ka soo baxay afar qodob, waxaana ka mid ahaa:

1. In Dowladda KMG Soomaaliya ay tixgeliso heshiisyadii Garoowe iyo dhammaan heshiiyadii kale, kuwaas oo si cad u qeexayay doorka haweenka ee ka qayb-qaadashada siyaasadda dalka isla markaana la dhawro saamiga loo qoondeeyay inay dumarku ku yeeshaan oo 30% ahayd.

2. In odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay tixgeliyaan saamiga haweenka ee ku aaddan ka qayb-qaadashada ergooyinka ansixinaya dastuurka iyo xubnaha baarlamaanka cusub.

3. In Saxiixayaasha Roadmap-ka ay ilaaliyaan heshiisyadii Garoowe II iyo dhammaan kuwii kale, ay ku saxiiseen Wadamada Ethiopia iyo Kenya, gaar ahaa saamiga haweenka.

4. In beesha caalamka ay xaqiijiyaan hirgalinta heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhawrayay xuquuqda Haweenka ee ku aaddan qayb-galka hoggaanka siyaasadda dalka.

Ugu dambeyn, haweenkii shirkaas isugu yimid waxay isku raaceen inay difaacdaan xuquudooda, waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka ka saaran Qarankooda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail,com

%d bloggers like this: