Sh. Shariif: Warbixinta waxaa qoray Matt Bryden oo aan dalka ka ceyriyay, sababtoo ah.. Bryden: Sh. Shariif Qodob UN-ka ayuu jebiyay, Markuu iga mamnuucay Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa maanta si kulul uga jawaabay, warbixintii dhowaan ay shaaciyeen Guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group oo ku eedeysay in ay hanti lunsadeen, wuxuuna sheegay in ninka xiriiriyaha u ah ay hore isugu dhaceen, warbixintaasina aysan wax ka jirin, halka Bryden ku eedeeyaya Sh. Shariif inuu jebiyay qodob qaramada midoobay markii uu saxiixay warqad looga mamnuucay dalka Soomaaliya. DHEGAYSO HADALKA LABADA NIN

Sheekh Shariif Sh Axmad, Madaxweynaha KMG Soomaaliya oo maanta Muqdisho khudbad dheer oo kulul ka jeediyay xaflad uu ku shaacinayay inuu yahay musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inaysan sal iyo raad lahayn warbixinta guddiga Qaramada midoobay soo saartay ee lagu sheegay in ay lunsadeen madaxda dowladdu lacag Soomaaliya loogu deeqay iyo mid gudaha canshuuro looga qaaday.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in ay hore isugu dhaceen ninka gudigaas xiriiriyaha u ah oo uu ku eedeeyay inuu doonayo inuu Soomaaliya kala jaro, ayna qalad ahayd in Qaramada midoobay usoo diraan ninkaasi, sidaasi dafrteedna uu diiday inuu Soomaaliya ka howl galo. HALKAAN KA Dhegayso hadalka Sheekh shariif

[audio https://somaliswiss.files.wordpress.com/2012/07/presidentsharifrejectsunreport-18june12.mp3|titles= Hadalkii Sh. Shariif Bryden|artists=  From SomaliSwiss|bg=0x0000ff|righticon=0xff0000|border=0×666666|loader=0x9FFFB8]

Dhinaca kale, xiriiriyaha ayaa isaguna sheegay in wixii ku qornaa warbixintoodii ay qoreen lagu samayn doono baaritaan ciddii ay ku cadaatana cadaaladda lahor keeni doono, waqti ay noqotaba.

Wuxuu si gaar ah u eedeeyay madaxweyne Shariif oo uu sheegay inuu isagu saxiixay warqad Soomaaliya looga mamnuucay, isagoo xusay in ay taasi ka hor imaanayso qaraaro ka soo baxay Qaramada midoobay, isla markaana golaha amaanku ka fiirsanayaan tilaabada ay ka qaadayaan qodobadaan uu jebiyay Sheekh Shariif.

Dhegayso Xiriiriyaha Kooxda Qaramada Midoobay ee Ilaalinta Cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eretriya Matt Bryden

[audio https://somaliswiss.files.wordpress.com/2012/07/harun7-18.mp3|titles= Wareysiga Matt Bryden|artists=  From SomaliSwiss|bg=0x0000ff|righticon=0xff0000|border=0×666666|loader=0x9FFFB8]

%d bloggers like this: