Sharif: Aniga Deeq meel iima taallo, Guri dibadda iyo gudahaba kuma lihi, waxaan deganahay Ijaar, deyn ayaa laygu leeyahay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin wax deeq ah oo meel u taalla isaga dibad iyo gudaba, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu sheegay in deyn lagu leeyahay oo aysan jirin lacag meel u taalla iyo guri dibada amaba gudaha uu ku leeyahay .

“Xaasaskayga waxaan ku iri Sabra, waxaad cuntiin ayaad dowladda ku leedihiin ayaan ku iri” ayuu yiri Sh. Shariif oo ay garabkiisa taagnaayeen laba xaas oo ka mid ah Afarta uu qabo.

Wuxuu xusay in lagu xanto in uu Guryo dibada ku leeyahay, wuxuuna taas uga jawaabay “Aniga  dibad guri kuma lihi, xitaa dalka kama iibsan karo oo waxaan deganaa guri Ijaar ah”.

Wuxuu xusay in mararka u si hoose ula sheekeysanayo madaxda dowladda ay sidaasi oo kale, wada cabanayaan oo nin kasta lagu leeyahay deyn.

Wuxuu ballan ku qaaday in haddii ay ku cadaato inuu 100 Doollar xaday uu isku diyaarinayo in lagu xiro Guantamo Bay, wuxuuna sidoo kale sheegay in qof kasta oo 100 doollar ku soo baxdo lagu xiri doono isla meeshaas.

SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: