Qaar ka mid ah Bankiyada Qarsoon ee la dhigo lacagaha ay dhacaan Hogaamiye yaasha Maafiyada Soomaaliya.

Soomaalida shaki ugama jirin, in Shariifyada iyo saaxiibadood ay ku mashquuleen sidii ay u kala qeybsan lahaayeen hantida shacabka, laakiin cadeyn looma hayn halka ay ku qarsadaan,  nasiib wanaag waa la kashifay, sida ku cad warbixin faah faahsan oo ka soo baxday Guddiga Qaramada Midoobay ee nabadgelyada iyo Cunaqabateynta Hubka  u qaabilsan Somaliya “UN Monitoring Group”.

Warbixintaas ayaa lagu sharaxay magacyada Bankiyada qarsoon, inta badan (Secret Bank Accounts) Qasnaajiyaasha ama Bankiyada sirta ah ee lagu keydiyo lacagaha ay xadaan madaxda musuq maasuqu ee dalka Soomaaliya.

Warbixintaasi oo ka koobneyd 198 bog ayaa qeybtii hore HALKAAN RIIX AMA KA AKHRI] oo SomaliSwiss ay daabacday 15/07/2012 waxay ka hadashay masuuliyiinta ugu sareysa dawlada oo lagu eedeeyay inay isdabamarin ku sameeyeen boqolaal milyan oo doolar, waxaana madaxda warbixinta lagu xusay ay kala ahaayeen Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Raysul wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole. Halkan Akhri 198 Bog oo ah warbixinta Monitoting Group

Qeybtaan kale ee  isla warbixintaas Monitoring Group ee Qaramada midoobay ayaa si faahfaahsan uga hadlaysaa oo sharraxaysa sida loo kala qaatay, qaabkii iyo xeeladaha ay martay lacagtaasi la xaday markii la qeybsaday, sida ku sharraxan warbixinta ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group ee aan tarjunnay.

Warbixintaan ayaa kashifeysa sida ay lacagta u xadaan madaxdu iyo cidda u keydisa, waxyaabaha ay warbixintu kashiftayna tusaale ahaan waxaa ka mid ah in laba qandaraas oo isku mid ah la siiyay laba walaalo ah oo laba shirkadood ku maagacaaban, labada shirkadood oo shaqada qandaraasku isku mid tahay waxay ka dhigan tahay in ay qabtaan hal shaqo, laakiin waxay si isku mid ah lacag isla eg oo qaansheegad ah, isla markana ah mid xad dhaaf ah markii loo fiiriyo shaqada ay sheegaan ku dallacaan dowladda, lama diidi karo sababtoo ah waa Bankiyada lacagta uu dhigto kana qaato, una qabta deeqaha dibadda madaxweyne shariif, taasina waa tusaale aan kuwa kale oo la mid ah oo fara badan ku arki karno sheekada qeybaha hoose ee soo socda.

Maxaan Helayaa Anigu?”.?”  (“What’s in it for me?”)

Warbixinta waxaa lagu bilaabay in shaqadii dawlada Soomaaliya iyo xafiisyadii danta guud ay isku rogeen meel si gaar ah loogu takri falo oo dad gaar ah kaga faa’ideystaan danahooda khaaska ah.  Masuul ka tirsan dawlada oo ka gaabsaday magaciisa ayaa hab dhaqanka ka jira xafiisyada dawlada oo ay ku jiraan kuwa ugu sareeya ku sifeeyay mid daneysi ah, isagoo yiri “Waxba lama sameeyo xafiisyada dawlada, iyadoon qofku isweydiinin “Aniga Maxaan  Helayaa?”.

Deeqdii ka timid dawlada Cumaan

Bishii April 2009, waxaa taliyaha Laanta Nabadsugida DKMG ah loo magacaabay Gen Maxamed Sheekh Xasan oo xilkaasi kala wareegay ninkii ka horeeyay oo ahaa Gen Maxamed Warsame Faarax “Darwiish”.  Markii uu xilka la wareegay Gen Maxamed Sheekh Xasan wuxuu ogaaday in hay’adda nabadsugida ay lacag dhan $3 milyan oo doolar oo kaalmo ah ka heshay dawlada Cumaan, isla markaana dawlada Cumaan ay markale diyaar u tahay inay deeq labaad siiso hay’adda nabadsugida Soomaaliya.

Gen Darwiish (Taliyihii nabadsugida dawladii C/laahi Yuusuf) wuxuu guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group u sheegay in dawlada Cumaan ay horey ugu deeqday $3 milyan oo doolar (USD $3,000,000) lacagtaasina loo isticmaalay mushaharaadka ciidamada nabadsugida iyo qalab loo soo iibiyey ciidamada.   Guddiga waxay sheegeen inay ogaadeen in lacagta saddexda milyan ay isku khilaafeen Madaxweynihii xilligaasi Marxuum C/laahi Yuusuf iyo Raysul wasaarihiisa Nuur Cadde. Ugu dambeyntiina lacagtaasi lama marsiin Bangiga Dhexe ee dalka laman oga sida loo isticmaalay.

Bishii March 2010, taliyaha nabadsugida ee DKMG ah Gen Maxamed Sheekh Xasan wuxuu ballan kulan ah la qabsaday dhigiisa wadanka Cumaan.  Ballanta kulankaasi waxaa soo qabtay danjiraha dawlada Soomaaliya u jooga wadanka Cumaan Xasan Maxamed Siyaad (Wiil uu dhalay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweynihii dawladii militariga) oo ku sugan xarunta Cumaan.

Sida warbixintu tilmaameyso, taliyaha nabadsugida ka hor intii uusan aadin wadanka Cumaan wuxuu arinta safarkiisa u sheegay Shariif Xasan oo ahaa wasiirka maaliyadda, isaguna wuxuu ku wargeliyey madaxweyne Shariif- waxayna labaduba ogolaadeen in Gen Maxamed Sheekh uu tago Cumaan uuna weydiisto lacag caawimaad ah oo agu caawiyo dhismaha ciidamada Nabadsugida DKMG ah. Waxana Gen Maxamed Sheekh loo dhiibay warqad rasmi ah oo uu qoray madaxweyne Shariif taasoo toos ugu socotay Suldaanka Cumaan Suldaan Qaboos Bin Saciid Aala Saciid.  Warqadaasi oo af Carabi ku qornayd wuxuu Sheekh Shariif ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka mahadcelinayaan taageerada dawlada Cumaan iyo inay soo dhoweynayaan kaalmo kasta oo la siinayo dawlada KMG.

Bishii March 2010, Shan xubnood oo uu hogaaminayo Gen Maxamed Sheekh ayaa tagay Cumaan. Waxayna la kulmeen taliyaha sirdoonka Cumaan oo ay ku wareejiyeen warqadii uu soo qoray madaxweyne Shariif iyo warqad kale oo codsi ahayd oo uu qoray Gen Maxamed Sheekh (taliyihii hore ee nabadsugida DKMG) waxaana waxyaabaha uu codsaday taliyahaasi ka mid ahaa in loo iibiyo baabuur lancruisero ah ciidamada nabadsugida iyo matooroada dabka dhaliya.

Dhowr usbuuc kadib kulanka, Gen Maxamed Sheekh waxaa telefoon ku soo wacay taliyaha sirdoonka Cumaan oo u sheegay in Suldaan Qaboos-ka Cumaan uu aqblay inuu lacag deeq ah siiyo dawlada Soomaaliya sidaa darteedna looga baahan yahay inay u soo sheegaan MAGACA qofka lagu sooo qorayo jeega lacagta (cheque) ay ku bixineyso dawlada Saldanada Cumaan.

Gen Maxamed Sheekh wuxuu markiiba toos ula xiriiray Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif oo markaasi ku sugnaa wadanka Ingiriiska (gaar ahaan London) wuxuuna u sheegay arinta halka ay mareyso iyo in dawlada Cumaan ay ku deeqeyso $3 milyan oo doolar.  Shariif Xasan ayaa Gen Maxamed Sheekh u tilmaamay inuu u sheego sarkaalka Cumaan in lacagta uu soo marsiiyo shirkad lagu magacaabo Price Waterhouse Coopers (PWC) oo heysa account number ku qoran magaca DKMG Soomaaliya.

Dhowr toddobaad kadib, waxaa markale Gen Maxamed Sheekh la soo xiriiray sarkaal Cumaani ah oo u sheegay inay dhibaato kala kulmeen soo wareejinta lacagta saddexda milyan iyadoo electronic ah, sidaasi darteed wuxuu ka codsaday in masuuliyiinta Soomaalida midkood uu yimaado si uu u soo qaato lacagta oo jeeg (cheque) ku qoran.   Shariif Xasan ayaa markaasi qorsheystay inuu u safro Cumaan si uu ula soo kulmo madaxda Cumaan ee lacagta uu ka soo qaadayo laakiin sababo dhanka farsamada ah darteed waxaa ballanta loo wareejiyey Dubai.

Shariif Xasan markii uu tagay Dubai wuxuu damcay inuu Account Number ka furo halkaasi, laakiin kuma uusan guuleysan sidaasi darteedna wuxuu ka codsaday Danjire C/qaadir Sheekheey (Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Dubai) in jeega uu isaga saxiixo si lacagta loo dhigo account number ay leedahay qunsuliyadda Dubai oo uu Danjire Sheekhey hayo saxiixeeda (oo ah Dubai Bank account number 020-
102208-0210).  Sida laga soo xigtay Gen Maxamed Sheekh, lacagtii saddexda milyan ee doolar waxay toddobaadyo kadib soo gaartay account numberka qunsuliyada- waana laga talabaxay shirkadda Price Waterhouse Coopers (PWC).

Gen Maxamed (Taliyihii hore ee nabadsugida)

Gen Maxamed markii uu ogaaday in lacagta saddexda milyan ee doolar la marsiiyey meel kale, wuxuu la xiriiray Shariif Xasan isagoo weydiiyey ‘qeybtiisa’.  Waxaana Gen Maxamed Sheekh uu qirtay mudo kadib Shariif Xasan uu u soo diray lacag dhan $10,000 (Toban kun doolar) taasoo uu sheegay inay ahayd kharashaadkii uu ku galay safaradii Cumaan.  Lacagta tobanka kun ee loo soo diray Gen Maxamed Sheekh waxaa la sheegay inay meelo kale ka timid ee aysan ahayn lacagtii Cumaan ka timid.

Cumar C/rashiid, Shariif Xasan iyo Shariif Axmed

Monitoring Group waxay sheegeen in lacagta Cumaan ay kala qeybsadeen Madaxweynaha Shariif, Shariif Xasan (oo ahaa wasiirka maaliyada) iyo raysul wasaarihii xilligaasi Cumar C/rashiid.    Cumar C/rashiid wuxuu Monitoring Group u sheegay in isaga iyo madaxweyne Shariif ay heleen $100,000 (Boqol kun oo doolar) midkiiba uuna u maleynayo inay lacagtaasi ka timid dawlada Cumaan, hase yeeshee inkastaa uu sheegay inuu lacagtaas dalabkeeda iyo arrimaheeda la socda iyo sidii lagu dalbay iyo sida ay ku timid hadana Cumar C/rashiid ma cadeyn karo sida lacagta loo isticmaalay sida ay Monitoring Group sharraxday.

Danjire C/qaadir Sheekheey

Kooxda Monitoring Group waxay wareysi xaqiiqo raadin ah la yeesheen Danjire C/qaadir Sheekheey (qunsulka Soomaalida ee Dubai) wuxuuna sheegay in lacagta saddexda milyan ee ku soo dhacday Account Numberka qunsuliyada uu u kala xawilay sida soo socota:-

Sheekh Shariif Sheekh Axmed (gadaal walaalkiis Daa’uud Sheekh Axmed)

A) US$1.2 million (Hal Milyan iyo Labo Boqol Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda A.S.M.J General Trading (L.L.C.) oo fadhigeedu yahay Dubai.  Shirkaddan waxaa, sida horey loo soo sheegay iska leh nin lagu magacaabo Cabbaas Sheekh Maxamed Jimcaale oo ay qaraabo dhow yihiin (Agoon yar/Abgaal) madaxweyne Shariif isla markaana ah nin aad ugu dhow Sheekh Shariif.

B) US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda Jubba Airways Cargo oo la sheegay inay deyn hore ugu lahayd dawlada.

C) US$1,650,000 (Hal Milyan iyo Lix Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa xawaalad loo dhigay Shariif Xasan ooku sugnaa Muqdishu.

Lacagahan lama helin meel ay ku bexeen,xisaabiyaha guud ee dawlada markii ay weydiiyeen Monitoring Group wuxuu u sheegay in wasiirka maaliyadda (Shariif Xasan) uusan wax dakhli ah oo ka yimid Cumaan ku soo wargelin.  “Ma arkin” ayuu yiri xisaabiyaha guud ee dawlada.

Cabbaas Sheekh Maxamed iyo Yuusuf Sheekh Maxamed

Kooxda Monitoring Group waxay sheegeen inay heleen in ganacsatada waaweyn ay laaluush iyo qaab aan toos ahayn adeegyo uga fushadaan madaxda sare ee dawlada.  Waxaana dadka la tilmaamay ka mid ah Cabaas Sheekh Maxamed Jimcaale (ama Jamaalo) oo ah mulkiilaha shirkadda A.S.M.J Trading Company taasoo fadhigeedu yahay Dubai.

Cabbaas waxay wada dhasheen Yuusuf Sheekh Maxamed oo iska leh shirkad kale oo la yiraahdo ‘Daljir Trading and General Service’ oo qandaraasyo ka qaadata wasaaradda difaaca DKMG ah isla markaana mararka qaar raashiin iyo qalab u keenta ciidamada dawlada.

Cabbaas iyo Yuusuf (Agoon Yar/ Abgaal) waa ragga gacanta ku haya lacagta madaxweyne Shariif ka helo dawlada, waxayna had iyo jeer labada nin qeybta soo gaarta Sheekh Shariif ku aruuriyaan keydkooda Dubai.  Waxay kaloo lacagaha ka soo ururiyaan wadamada Carabta iyagoo ka wakiil ah madaxweynaha, sida laga soo xigtay saraakiil dawlada ku dhex jira.

Sayid Cali Macalim Cabdulle (Maareeyaha dekeda Muqdisho)

Sayid Cali Macalim Cabdulle waa maareeyaha dekeda Muqdisho, waxay guddigu sheegeen in isaga iyo walaalkiis Maxamuud Macalim Cabdulle (Agoon Yar/Abgaal) ay ka mid yihiin mulkiilayaasha shirkadda Daljir Trading and General Service.

3-dii April 2010 shirkadda Daljir Trading waxay xafiiska raysul wasaarihii hore Cumar C/rashiid u gudbisay warqad qaansheegad ah oo ay ku sheeganeyso in US$1,965,000 (Hal Milyan iyo Sagaal Boqol Lixdan iyo Shan Kun Doolar) ay ku leedahay dawlada KMG ah, taasoo ahayd deyn raashiin iyo qalab ay dawlada u soo iibisay, sida lagu muujiyey dukuminti ay heleen Monitoring Group.

2- Dhaqaalihii ay bixisay SKA Air & Logistics

Bishii June 28-keeda sanadkii 2010, waxay Shirkadda SKA Air & Logistics heshiis qandaraas ah la saxiixatay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa wasiirka maaliyadda iyadoo loo fasaxay maamulka garoonka iyo dekeda Muqdisho.  Dhanka shirkadda SKA waxaa heshiiska u saxiixay gudoomiyahooda Mike Douglas.

Isla bishii ku xigtay Mike Douglas (gudoomkyaha SKA Air & Logistics) wuxuu la xiriiray danjire C/qaadir Sheekhey oo ku sugan Dubai, wuxuuna u sheegay inuu rabo in lacag dhan USD $1,000,000 (Hal Milyan Doolar) uu u soo xawilo account numberkiisa, taasoo qeyb ka ahayd heshiiska dhexmaray dawlada iyo shirkadda SKA Air & Logistics. Lacagtaasi waxay ku dhacday account number-ka qunsuliyada ee uu maamulo danjire Sheekhey.

Danjire Sheekhey wuxuu Moniroring Group u xaqiijiyey in lacagta ay soo gaartay isaga, uuna u kala qeybiyey sida soo socota;-

A) 3 million Dirham oo u dhiganta US$220,000 (Labo Boqol iyo Labaan Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda A.S.M.J General Trading oo uu maamulo Cabbaas Sheekh Maxamed.

B) US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa la siiyey C/risaaq Iidow (maamulaha Shirkadda Nationlink ee Muqdisho) waxaana lagu micneeyey in C/risaaq Iidow uu deyn hore ku lahaa dawlada (labada Shariif) xilligii ay joogeen Jabuuti.

C) US$30,000 (Soddon Kun Doolar) waxaa lagu bixiyey safar diyaarado ay ku kiresteen Madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare Cumar C/rashiid.

D) US$600,000 (Lix Boqol Kun Doolar) waxaa lagu soo wareejiyey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Sida uu cadeeyay Danjire Sheekheey lixda boqol kun ee doolar ee la soo dhigay Bangiga Dhexe waxaa lagu qoray magaca Ganacsade Cabbaas Sheekh Maxamed, wuxuuna isaguna u kala qeybiyey saddex meelood kala ah sida soo socota:-

1) US$500,000 (Shan Boqol Kun Doolar) waxaa la dhigay Bangiga Dhexe waxaana lagu wareejiyey nin lagu magacaabo  M. Cali Xassan Tuacow, waxaana lacagtaasi lagu wareejiyey 14 July 2010.   (Bangiga ayaa khidmad ahaan uga goostay US$10,000).

2) US$95,000 (Sagaashan iyo Shan Kun Doolar) Waxaa la dhigay Bangiga Dhexe waxaana lagu wareejiyey Ganacsade Sheikh Ahmed Jimale (mulkiilaha shirkadda Hormuud ahna madaxda Bangiga Salaama) taariikhdu markay ahayd 25 July 2010.

3) US$5,000 (Shan Kun Doolar) waxaa markale lagu wareejiyey M. Cali Xassan Tuacow, taariikhdu markay ahayd 26 July 2010.

Lacagahan la siiyey shakhsiyaadka, sida warbixinta ku cad looma hayo asbaabaha loo bixiyey, waxayna muujineysaa sida wax kasta ay u yihiin wax qarsoon oo mugdi ku jiro taasoo keeni karta isdabamarin inay dhacdo.

 Lacagtii ay ku deeqday dawlada Koonfurta Suudaan

Horraantii sanadkii 2012, dawlada Koonfurta Suudaan waxay ku deeqday lacag dhan USD $1 Million (Hal Milyan Doolar), waxaana lacagtaasi la soo marsiiyey Price Waterhouse Coopers oo ah shirkad heysa xisaabaad maaliyadeed bank account oo ay leedahay DKMG Soomaaliya.  Lacagtan waxay dawlada Koonfurta Suudaan ugu talagashay in lagu taageero dib u heshiisiinta gobolada laga saaray ururka Al-Shabaab iyo horumarintooda.  Saraakiil sare oo ka tirsan dawlada Soomaaliya waxay guddiga Monitoring Group u sheegeen in dawladu lacagta halka milyan ay heshay.

Raysul wasaare C/weli Gaas

Dukumintiyo ay heshay kooxda Monitoring Group oo laga helay xafiisyada gudaha ee dawlada Soomaaliya, raysul wasaare C/weli Gaas ayaa wuxuu amray wasiirkiisa maaliyada (Dr C/naasir Candulle) in lacagta uu kala siiyo si toos ah shakhsiyaad dawlada ka tirsan, xildhibaano iyo siyaasiyiin waaweyn.  Sida kooxda Monitoring Group ay sheegtay, qeyb ka mid ah lacagta oo dhan US$121,700 (Boqol Labaatan iyo Kow iyo Toddoba Boqol Kun Doolar) waxay ku baxday xafiiska raysul wasaare C/weli Gaas.

Illaa hadda cadeymo looma hayo waxa shakhsiyaadka la siiyey lacagtaasi ay ku kharashgareeyeen. Sidoo kale lama oga in arimaha dib u heshiisiinta ee loogu talagalay lacagta loo adeegsaday.

HALKAAN RIIX OO SII AKHRI BAASABOORKA CUSUB OO AY DAABACDO SHIRKAD UU LEEYAHAY SHARIIF SAKIIN IYO DAGAAL DHEX MARAY SHIRKADIISA IYO SHIRKAD HORE.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: