Kooxda Soomaaliya uga qeybgalaysa cayaaraha olombikada adduunka ee London oo gaaray wadanka UK.

Waxaa Saakay kasoo degay garoonka diyaaraha magaalada London kooxda dalka Soomaaliya uga qeybgalaysa cayaaraha Olombikada adduunka oo ay weheliyaan madax katirsan Guddiga Oombigga Soomaaliyeed. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Soomaaliya waxaa cayaaraha Olombiga uga qeyb-galaya laba cayaartooy oo kaliya, kuwaasi oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax.

Maxamed Xasan waxaa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Samsam Maxamed ay iyana ordi doonto 800m iyo 1500m.

Inkastoo cayaartooyda Soomaaliyeed ee olombigga aanay soo gelin is reeb reeb haddana sida uu qabo sharciga olombikada adduunka waxaa loo oggol yahay in ay laba cayaartooy soo dirsan karaan.

Waxaa iyaguna soo gaaray London cayaartooy hore oo wax ka hoggaaminaya Sportiga iyo weliba madaxda Guddiga Oombigga Soomaaliyeed iyo xiriirrada.

Halyeeyga billadda dahabka ee 1500m, Cabdi Bile Cabdi iyo Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo ahaa cayaartooy caan ku ah Soomaaliya, isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda Qaranka ee Kubadda koleyga ayaa ka mid ah cayaartooydii hore ee dhiirri gelinta iyo maamulka kooxda.

Madaxda London soo gaartay waxaa ka mid ah, Sii hayaha Guddoomiyaha Olombigga, Durraan Axmed Faarax, iyo Xoghayaha Olombikada, Cabdullaahi Axmed Tarambi iyo weliba Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubbadda Koleyga, Cabdicasiis Goodax Barre.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: