Dagaal Culus oo Baardheere ku dhexmaraya ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaallo Culus oo geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay  ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay shalay ka dhaceen dagaallo culus oo khasaare badan geystay.

Wararka laga helayo degmada Baardheere ayaa waxay sheegayaan in dagaalku uu aad ugu dhawaaday degmada, sidoo kale warar ka madaxa-bannaan ee laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya inay dagaalladaas oo dhowr jeer dhacay ay ku dhinteen in ka badan 17-qof oo labadii dhinaca ee dagaalamayay ka tirsan, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Xaaladda degmada Baardheere ay saakay  dagganayd, kadib markii ay xalay ka dhacay meel aad ugu dhow degmadaas dagaal culus,sidaas waxaa laga soo wariyey  goobjoogayaal magacyadooda aan sheegin ee ku nool deegaanka lagu dagaallamayey,

Dhanka kale Goobjoogayaashu waxay intaas ku dareen in xoogagga Al-shabaab ay abaabul ka wadaan gudaha degmada Baardheere, waxayna dhallinyarada ku boorrinayaan inay dagaallada ka qaybgalaan si loo difaaco magaaladaas oo ka mid ah labada degmo ee ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab.a

Si kasta ha ahaatee waxaa weli ka hadlin dagaalka ka socda duleedka Baardheere mas’uuliyiinta Al-shabaab, balse saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya  ee gobolkaas ku sugan ayaa xusay inay ka go’an tahay inay dagaalka wadayaan inta ay ka qabsanayaan Baardheere, waxay kaloo ay Saraakiisha sheegeen in dagaalladii shalay dhacay ay kaga qabsadeen Al-shabaab maxaabiis iyo gaari kuwa dagaalka ah, dhankoodana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

SomaliSwiss    Bardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: