Advertisements

Ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom oo qarka u saaran in ay galaan magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya ayaa kusii siqaya magaalada Marka oo ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaaan, iysdoo maleeshiyaadka Al-shabaab-na ay bilaabeen in ay isaga baxaan.

Wararka laga helayo aaga hore ee dagaalada Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay baqo-carar kaga baxayaan meelihii ay ka joogeen degaanada hoos yimaada Gobolka Sh/hoose, iyadoo ay ciidamada Dowlada KMG ah sii buuxinayaan afafka hore ee magaalooyin iyo tuulooyin hoos taga deegaanadaas.

Ciidamada dowladda oo dhowaan qabsaday degaanka Laanta buur iyo garoonka diyaaradaha ee Lambar 50 ayaa sii wada ku dhowaashaha magaalooyinka Shalaambood, Janaale iyo magaalada Marka.

Ciidamadu waxa ay sii wadaan kusi socoshadooda goobaha weli ku harsan gacanta kooxda Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose si ay u xaqiijiyaan gacan-ku hayn buuxda ee gobolkaas oo dhan.

Ciidanka dowladda oo haatan gacanta ku haya Laanta Buuro oo ka mid ahayd goobaha istiraatiijiga ah ee Shabaabku ay u adeeggsan jireen tababarada iyo weerarada ka dhanka ah magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale aheyd xarun muhiim u aheyd dhaq-dhaqaaqa ciidamada xarakada  Al-shabaab.

“Qabashada aagga istiraatiijiga ah ee Laanta Buuro waxa ay xoojin doontaa ammaanka caasimadda Muqdisho iyo wadada Afgooye, waxa ay sidoo kale gacan ka gaysanaysaa in gargaar Banii’adaninimo la gaarsiiyo dadka deegaanka daggan,” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa hadalkiisa ku sii daray “degaanka waxa ay sidoo kale galbeedka iyo koonfurta caasimadda ka abuuraysaa jawi dagganaan, iyadoo meesha ka saareysa saldhigyadii ay arggaggaxisadu kasoo abaabuli jireen weerarada”.

Si kastaba waxaa muuqata in guulo waaweyn ay ka muujinayaan ciidamada Soomaaliya gobolka Shabeelada hoose, isla markaana waxaa muuqda in maalinba maalinta ka dambeysa ay goobihii ay ku sugnaayeen ama ka talinayeen Al-shabaab ay faaruqinayaan oo ka sii baxayaan.

SomaliSwiss Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: