Taariikh nololeedka wasiirki hore ee ganacsiga Somalia Dr. Maxamud Cabdi Garweyne.

Waxaan halkan idinku heynaa Taariikh nololeed kooban ee wasiirki hore ganacsiga Soomaaliya, Dr. Maxamuud Cabdi Ibrahim (Garweyne) oo lagu dilay qarax miino gudaha magaalada Muqdisho. HOOS KA AKHRI TAARIIKHDA

Taariikh nololeedkiisa oo kooban waxaa ay ku bilaabaneysa sida tan:-

Sheikh Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) 1965-kii ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho.

1971-1979 waxaa uu dhameystay Qur’aanka Kariimka ah iyo dugsiga hoose dhexe ee (1 LUULYO) magaalada Muqdisho.

1979-1981 waxaa uu dhiganayay dugsiga Tababarka Macalimiinta ee Xalane. (Halane Teacher Institude).

1981-1982 waxaa uu Macalim kanoqday dugsiga hoose dhexe degmada Luuq.

1982-1984 Macalin dugsiga hoose dhexe Xasan Qariidi.

1985-1986 Macalin Dugsiga Sare Muuse Galaal.

1987-1990 waxaa uu ku laabtay waxbarashadiisa kuliyada waxbarshada lafoole (Lafole College of Education) ayuu ka baxay.

1991-2002 waaxa ladhaho (WALFARE PROJECT SOCIETY) oo ah jamciyada qayriga ah fulisa mashaariicda qayriga ah waana sidan waxa uu kasoo ahaa,

1991-1992 wuxuu xubin ka ahaa Jamciyada Khayriga ah ee (WALFARE PROJECT SOCIETY)1993-1996 waxaa uu noqday madaxa qaybta waxbarashada Jamciyada,

1997-1998 waxaa uu ka shaqeeyay qaybta waxbarashada iyo daryeelka Agoonta,

1999-2002 (Puplic relation) ayuu ugu shaqeeyay Jamciyada oo ah cilaaqaadka Jamciyada.

2002-2003 waxa uu Master degree ku diyaariyay Jaamacada Suudaan (MAAMULKA WAXBARASHADA).

2004-2006 isla Jaamacada Afriiqiyah Suudaan ayuu kudiyaariyay (PHD) (Educanal Supervision) oo ah kormeerka waxbarashada.

Sheikh Maxamuud Garweyne waxaa uu weligiis ka tirsanaan jiray kadib dowladii dhexe Dalada Culimada Soomaliyeed, kadibna waxa uu 2006-dii markii uu soo qaatay (PHD) ku biiray kacdoonkii Shacabka ee ka bilowday magaalada Muqdisho, waxaa uuna ku jiray (Majliskii Shuurada) ee ka koobnaa dhowr iyo Sideetanka xubnood, waxa uuna ahaay ku-xigeenka xoghayaha waxbarashada ee Maxkamadaha.

2007 waxaa uu kamid noqday madaxdii magaalada Asmara ee wadanka Eritrea kusoo dhisay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.

Waxaa uuna kujiray labada gole midkii fulinta iyo kii golaha dhexe, wuxuuna kasoo qabtay xilka ah xoghayaha Samafalka, illaa Jabuuti looga soo wareego.

Sidoo kale waxaa uu kamid ahaa dadkii Aabaha u ahaa wadahadaladii dib u heshiisiinta ahaa ee kadhacay dalka Jabuuti, waxaa uuna noqday Xildhibaan kasoo galay dhinaca Isbaheysiga, kadibna waxaa uu noqday Xildhibaan, waxaa uuna kamid noqday Wasiiradii uu magacaabay Ra’isal Wasaarihii hore Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke.

Sheikh Maxamuud Cabdi Ibrahim Garweyne waxaa uu ahaa Saaxiibka koowaad ee Madaxweyne Sheikh Shariif.

2010 waxaa sidoo kale uu noqday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumadii Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dilka marxuumka waxaa sheegtay kooxda Al-Shababa oo sheegay in ay fariin u tahay in wali ay ka howlgalaan magaalada Muqdisho, balse taasi ma xaqiiqsana waxaana weli socda Baaritaano ku saabsan cida saxda ah ee kadambeysay dilka Marxuumkaasi.

SomaliSwiss Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: