Shir-madaxeedka Wadamada Afrika oo maanta la soo gabagabeynaya iyo Madaxweyne Sh. Shariif oo kulmay madax ka tirsan Afrika.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kulamo gooni gooni ah kula yeeshay madax ka kala socotay wadamada caalamka, gaar ahaan dowladaha Afrika ayadoo dhanka kalena la filayo in maanta magaaladaasi lagu soo gebagebeeyo shir madaxeedka Midowga Afrika ee shalay halkaasi ka furmay. (SAWIRO)

Uga horreyntii Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Mareykanka oo uu hogaaminayey kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika Johny Carson waxaana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka iyo sidii ay Dowladda Mareykanku gacan uga geysan laheyd sidoo ay DFKMG u dhameystiri laheyd howlaha horyaala waqtigan kooban ee ka harsan KMG-ka.

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu kulammo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub,madaxda dalalka Afrika oo ay ka mid yhiin Madaxweyneyaasha Dalalka Jabuuti iyo Suudaan iyo sidoo kale madax ka socotay dalalka carabta waxana uu dhammaantood kala hadlay xaaladda dalka halka ay mareyso iyo guullaha ay Dowladdu gaartay.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif, wuxuu kaloo  magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’isulwasaare Kuxigeenka dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga Baker Bozdag oo ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo taageerrada hagar la’aaneed ee ay Dowladda Turkigu la garab taagantahay shacbiga iyo Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa la filayaa in magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia lagu soo gebagebeeyo shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sanadkiiba mar ay yeeshaan Madaxda dalalka Afrik kaasi oo shalay si rasmi ah u furmay.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: