Jaaliyadaha Beelaha Saransoor oo cambaareyay isla markaana ka tacsiyadeeyay qarixii Maanta lagu dilay Allaha u naxariistee Marxuum Maxamud C/ Ibraahim Garweyne.

Jaaliyadaha Beelaha Saransoor iyo Karanle ee ku dhaqan gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray umadda Soomaaliyeed, Eheladii, Qaraabadii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne, Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha oo qarax lagu dilay magaalada Muqdisho, waxayna jaaliyadahaasi cambaareyn dusha uga tuureen dhagar qabayaashii ka dambeeyay falkaasi wuxuushnimada ahaa.

Sidoo kale Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee ku dhaqan dalka Ingiriiska waxaa ay tacsi tiiraanya leh u diraysaa guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelladii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo walxaha Qarxa loo geliyey Gaari uu lahaa, waxayna Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee UK Alle uga baryaysaa Marxuumka in uu Jannadii Fardowsa ka waraabsho, waxayna leeyihiin Xaaskii iyo Caruurtii uu ka tegay iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo Aamiin, Aamiin, Aamiin.

HADII AAD DOONEYSO IN AAD U TACSIYADEYSO EHELADA IYO QARAABADA MARXUUM GARWEYNE FADLAN HOOS KU QOR FARIINTA TACSIDAADA.

%d bloggers like this: