Dowladda KMG Soomaaliya oo ka tacsiyeysay Geeridii Xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne.

TACSI QARAN: Muqdisho, July, 16, 2011 —— Ra’isal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janadii Fardowsa geeyo Marxuun Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo maanta Qarax miino kula geeriyooday magaalada Muqdisho.

TACSI QARAN: Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo Ka Tacsiyeyanaya Geeridii Xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyn

Innaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Muqdisho, July, 16, 2011 —— Ra’isal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janadii Fardowsa geeyo Marxuun Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo maanta Qarax miino kula geeriyooday magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Ra’isal Wasaare Gaas ayaa sheegay in ay aad saaxiibo u ahaayeen Marxuun Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo uu sheegay in ay Xukuumadii hore ay iskala soo shaqeeyeen, isla markaana ay safaro isla wada galeen.

“Innaa Lillaahi Wa inaan ileyhi Raajicuun, Geeridu waa xaq, noole walbana wuxuu marayaa dhimasho. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo. AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN

—–Dhamaad—-

%d bloggers like this: