HOOS KA AQRI WARBIXINTA
Kooxda Caalamiga ee (Monitoring Group) oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo maamulay dhaqaalaha soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa warbixin hordhac ah oo laga helay ku eedesay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya in ay si joogto ah oo aan qaris lahayn u lunsadaan hanti fara badan oo gaareysa Malaayiin doollar.
Warbixinta Guddiga Baarista Cunaqateyta
Kooxda Caalamiga ee (Monitoring Group) oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo maamulay dhaqaalaha soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa warbixin hordhac ah oo laga helay ku eedesay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya in ay si joogto ah oo aan qaris lahayn u lunsadaan hanti fara badan oo gaareysa Malaayiin doollar. HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTA OO DHAMAYS TIRAN
Warbixinta Guddiga QM ee qaar ka mid ah Bankiyada Qarsoon ee la dhigo lacagaha ay dhacaan Hogaamiye yaasha Soomaaliya.
Soomaalida shaki ugama jirin, in Shariifyada iyo saaxiibadood ay ku mashquuleen sidii ay u kala qeybsan lahaayeen hantida shacabka, laakiin cadeyn looma hayn halka ay ku qarsadaan, nasiib wanaag waa la kashifay, sida ku cad warbixin faah faahsan oo ka soo baxday Guddiga Qaramada Midoobay ee nabadgelyada iyo Cunaqabateynta Hubka u qaabilsan Somaliya “UN Monitoring Group”.
Warbixnitu waxay qeybtan uga hadlaysaa lunsashada hantida qaranka ee lagu eedeeyayay madaxda dowladda KMG iyo meelaha ay dhigtaan ama qaababka dahsoon ee lagu dhaco ama sida loo qarsado, HALKAAN KA AKHRI IYADOO FAAH FAAHSAN. ama Halkaan ka Dhegayso
Shariif Xasan oo Beeniyay inuu Lacag Lunsaday
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa iska fogeeyay eedeynta uga timid guddiga QM ee dabagalka cunaqabateynta Somalia iyo Eritrea taasoo sheegaysa in madax uu isagu ku jiro ay lunsadeen hanti qaran.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay inuusan isku soo taagi doonin xilka guddoomiyanimada baarlamaanka, balse uu isku sharraxayo jagada madaxweynennimo. HALKAAN KA DHEGAYSO SHARIIF XASAN
Sh. Sharif oo Beeniyay in Madaxda DKMG ay Lacag Lunsatay
Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u beeniyay eedaha lagu shaaciyay warbixinta ka soo baxday guddiga QM ee dabagalka cunaqateynta Somalia iyo Eritrea ee sheegaysa in isaga iyo madax ka tirsan dowladiisa ay lunsadeen hantida dadweynaha.
Madaxweyne Shariif ayaa si kulul uga jawaabay, warbixintaas dhowaan ay shaaciyeen Guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group, wuxuuna sheegay in ninka xiriiriyaha u ah Matt Bredan ay hore isugu dhaceen, warbixintaasina aysan waxba ka jirin, HALKAAN KA Dhegayso hadalka Sheekh shariif
Matt Breydan, muxuu ka yiri Sheikh shariif iyo madaxda kale.
Xiriiriyaha Kooxda Qaramada Midoobay ee Ilaalinta Cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eretriya Matt Bryden ayaa isaguna sheegay in wixii ku qornaa warbixintoodii lagu samayn doono baaritaan ciddii ay ku cadaato inuu musuq maasuq ku kacayna cadaaladda lahor keeni doono, waqti ay noqotaba.
Wuxuu si gaar ah u eedeeyay madaxweyne Shariif oo uu sheegay inuu isagu saxiixay warqad Soomaaliya looga mamnuucay, isagoo xusay in ay taasi ka hor imaanayso qaraaro ka soo baxay Qaramada midoobay, isla markaana golaha amaanku ka fiirsanayaan tilaabada ay ka qaadayaan qodobadaan uu jebiyay Sheekh Shariif.
Dhegayso Xiriiriyaha Kooxda Qaramada Midoobay Matt Bryden
Mahiga: Madaxweyne Shariif isaga ayaa laga rabaa in uu cadeyma keeno,
Ergayga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augastine Mahiga oo ka hadlay warbixina guddiga dabagalka QM ee eedeeyneysa madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Gollaha Amaanka uu si rasmi ah u helayo warbixinta berito. HOOS KA DHAGEYSO WARBIXINTA
HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA MAHIGA
Warbixinta Guddiga QM (Musuqmaasuqa iyo Ka ganacsiga E-Passport Baasaboorka cusub)
Akhristoow, warbixinta guddiga qaramada midoobay, qeybta quseysa Baasaboorada, maaha sheeko uu ku farxayo qofkii akhriyaahi, waxay muujinaysaa sawir aan ka duwanayn in qofkii rabaa qaadan karo, wuxuu rabana ku qoran karo, waxaa ka mid ah warbixinta in muhiimadu aysan ahayn yaa loo samaynayaa baasaboorka ee ay tahay yaa lacag wata, taas oo ka dhigan in Baasaboorka aad ka heli karto suuqa Cabdalla Shideeye, aadna ku qoran tahay Cusama Bin Ladin. HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTA OO DHAN
Warbixinta Guddiga QM (Ururka al-Shabaab)
Warbixintu waxay qeybtan uga hadlayaa ururka al-Shabaab iyo guuldarooyinka ka soo gaadhay dagaallada dhinaca koonfureed.
Warbixinta Guddiga QM (Barnaamish Dood ah)
Waa barnaamish dood ah oo looga hadlayo wixii Warbixintu ka sheegtay guud ahaan arrimaha wax isdaba marinta madaxda soomaaliya.
You must be logged in to post a comment.