Madaxweynayaasha wadamada Afrika oo maanta shir uga furmaya Adis Ababa iyo arrinta Soomaaliya oo shirka looga hadlaayo

Waxaa maanta magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu shir uga furmayaa Madaxweynayaasha Midowga Afrika, waxaana shirkaas looga hadlaya xaaladaha ku soo kordhay Qaaradda Afrika, gaar ahaan wadamada ka jira dhibaatooyinka Siyaasadeed iyo tan Dabiiciga ah.
Madaxweyanha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wfdi uu hogaaminayo ayaa ka mid ah wafuuda ka qeybgaleysa shirka maanta ka furmaya Adis Ababa kaa oo lagu falanqeyn doono xaaladaha qaarada.
Sida uu warbaahinta u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Saciid Yuusuf Nuur in shirka uu socon doono mudo laba maalmood ah isla markaana looga hadli doono qadiyadda qaaradda Afrika iyo mashaakilka ka taagan wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in gabagabada Shir Madaxeedkan uu ka soo baxi doono qodobo muhiim ah oo wax ka tari doono xaaladaha Qaaradda Afrika.
Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in Ajandaha ugu weyn ee shirka uu yahay arrinta Soomaaliya oo maanta si aad ah looga hadlayo, iyadoo Madaxweynayaasha Afrika intooda badan ay xaadar ku yihiin madasha shirka Adis Ababba.

SomaliSwiss      Adis Ababba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: